Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya Qaybtii 2aad:-


Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Qaybtii 2aad:-

                                                        Jan.2020

(Erayga Soomaaliweyn wuxuu ku dhashay kana yimid Somaliland ,ugu dambayntiina wuxuu ku dhinta gacmaha Soomaaliya)

 

Runtii  dada badan baa qalad ka fahansan erayga Soomaaiweyn. Ma garanayaan macnaha eraygu leeyahay iyo waxa loola jeeda midna.Dad badan ayaa u yaqaan erayga Soomaaliweyn,mid ka tarjumaya israacii Somaliland iyo Soomaaliya,1960, qaar baa u haysta in uu macna ahaan ku soo kooban yahay Somaliland iyo Soomaaliya oo keliya,mase aha.

Goormaa la maqlay erayga Soomaaliweyn xagee laga maqlay-yaa laga maqlay:-

Ma jirto cid garanaysa goorta uu soo baxay erayga «Soomaaliweyn»,haddii ay yihiin dadka aqoonta leh  iyo Siyaasiyiinba,lakiin waxaa laysku raacsan yahay in erayga Soomaaliweyn  uu ahaa fikir soo baxay xilligii ay reer Yurub ,5 qaybood u kala  qabiyeen dadka Afsoomaaliga ku hadla.Wuxuuna sii xoogaystay xilligii ay soo baxeen Ururaddii gobanimo doonka Soomaaliyeed. Erayga Soomaaliweyn wuxuu aad u sii xoogaystay :

1.   xilligii Daraawiishta,waxaana jira sida Suugaantiisa ka muuqata in Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uu doonayaayey in uu helo Dowlad ka talisa ilaa Kenya.

 

 

2.   Waxaa sii buunbuuniyey si aad ah  xilligii gobanimo doonka,kooxo Macalimiin ah,kana soo jeeday Goboladii la odhan jiray   berigii hore Togdheer iyo Woqooyi Galbeed , Ka dibna waxaa si waali ah ula booday shacabkii deganaa Somaliland xilligaas.

3.   1954kii markii Itoobiya lagu weejiyey,dhulka Soomaali Galbeed meesha keliya ee looga mudaharaaday ,si aan loo kala jarin Soomaaliweyn waxay ahayd Hargeysa iyo Burco,Mudaharaadkaa waxaa ka mid  ahaa Raggii hogaaminayey Yusuf Xaaji Adan oo ahan Macali (IHN),(sawiradii baa la hayaa.). Wixii xilligaa ka dambeeyeyna wuxuu noqday eray ay guud ahaan dadka Afsoomaaliga ku hadla aad ugu fiday si walba iyo dhinacwalba,laakiin inta badani aanay fahansaneyn waxa looga jeeda.

 

Ujeedadii laga Lahaa erayga Soomaaliweyn:

 ujeedada laga lahaa eraygan Soomaaliweyn waxay ahayd:; 

sidii loo mideyn lahaa  5tii Soomaaliyeed ee  Gumaystuhu kala qaybiyey, (Gumaystihii reer Yurub).Waxaa looga jeeda erayga Soomaaliweyn,wada jirka SOMALILAND -SOOMAALIYA-JABUUTI-NFD(SOOMALIDA KENYA IYO KILILKA 5AAD(SOOMAALIDA ITOOBIYA).Isku soo wada duub ,oo waxaa loola jeedaa erayga Soomaaliweyn,inta Afsoomaaliga ku hadasha Geeska Africa oo midowda hal maamul amase hal Dowlad.

Soojeedin:-

Waxaa aad iyo aad  u fiican  in Somaliland iyo Soomaaliya ay isla tahmaan waxa loola jeedo Erayga Soomaaliweyn.Ha  u qaadan amase ha u fahmin in macnihiisu yahay Somaliland iyo Soomaaliya oo midooba.

Ugu dambayntiina waxaan hubaa in erayga Soomaaliweyn wuxuu ku dhashay kana yimid Somaliland ,ugu dambayntiina wuxuu ku dhinta gacmaha Soomaaliya,ee aynu  taariikhda ku dhigano in uu jiri jiray beri eraga Soomaaliweyn

 

ALLAA. M A H A D    L E H

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 abdi_saleiman@hotmail.com

 fb. Abdi Saleiman

 la soco qaybta 3aad iyo xoriyadii iyo Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso