Wasiirka Horumarinta Biyaha Iyo Madax Wehelisa oo soo Kormeeray Xarumaha Biyo Balaadhinta Caasimadda

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo ay Weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo kormeeray xarumaha biyo balaadhinta ee Caasimadda Hargaysa.

Xarumahan uu Wasiirku soo Kormeeray ayaa waxaa ka socotay shaqo balaadhan oo ku saabsan sidii caasimadda hargaysa u heli lahayd biyo ku filan.

Maareeyaha Wakaaladda biyaha ee Magaaladda Hargaysa Maxamed Cali Daarood ayaa Wasiirka Horumarinta biyaha warbixin faahfaahsan ka siiyay habsami u socodka shaqada biyo balaadhinta caasimadda hargaysa Waxa uu Maareeyuhu xusay in Mashruucan oo ay Somaliland dawlada Jarmalku ku taageertay marka uu dhamaado uu wax weyn ka bedeli doono in magaaladu wada hesho biyo ku filan, Maareeyuhu waxa uu sheegay in la dhigi doono 162 Km oo dhuumaha magaalada geeya biyaha, 4 Kayd oo laga samayn doono degmooyinka waaweyn ee Caasimadda.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa dhankiisa sheegay in Cid kasta oo isku dayda inay Carqaladayso Mashruucan ay sharciga la tiigsan doonaan, Waxa uu Gudoomiyuhu ka codsaday Shacabka caasimadu inay is garab taagaan hawl wadeenada ka shaqaynaya Mashruucan biyo balaadhinta.

Gabo Gabadii Waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye isagoo uga mahadceliyey Maamulka iyo Mas’uuliyiinta gacanta ku haya mashruucan biyo balaadhinta caasimadda hargaysa oo wax weyn ka bedeli doona baahida biyood ee bulsho weynta caasimadda hargaysa ku dhaqan, Wasiirku waxa uu sheegay in Mashruucani uu dhaqaale xoogani ku baxayo isla markaana ay waajib tahay sidii aynu qaran ahaan uga faa’iidaysan lahayn.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso