Jeneraal Qasem Suleiman oo duqeyn Maraykanku ku dilay Baqdaad

Wasaaradda Gaashaandhiga Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn xagga Cirka ah ku dileen Madaxii Ciidamada xulka ah ee Quds Force , Qasem Soleiman, xilli uu la socday raxan Gaadiid ah oo marayay meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaardaaha ee Magaalada Baqdaad.

Jeneraal; Qasem Soleiman ayaa ahaa madaxa cutub kamid ah Ciidanka ilaalada kacaanka Waddanka Iiran ee lagu Magacaabo Quds, kuwaas oo looga tala galay in ay ka howl-galaan meelo ka baxsan Dalkooda.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka Ciraaq ee taageerada ka hela Dowladda Iiran iyo xubno kale.

Duqeynta ay Diyaaradaha Maraykanka ka geysteen gudaha Dalka Ciraaq ayaa ahayd mid laguĀ  bartilmaameedsanayay kooxo taabacsan Dowladda Iiran oo xurguf ay kala dhexeyso xukuumadda Washington DC.

Advertisement

Ku Xayeysiiso