Taliyihii Ugu Sarreeyay ciidanka Taiwan oo Shil diyaaradeed ku dhintay.

Mas’uuliyiintii ugu sarraysay ciidamada Melleteriga Taiwan ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo dhacay 15 daqiiqo kadib markii ay diyaaraddu hawada gashay.


Wararka ka imaanaya Taiwan waxay sheegayaan in uu dhintay taliyihii guud ee ciidamada melleteriga iyo laba Jeneraal oo kamid ah taliska ciidamada sidoo kale waxaa shilka ku dhintay 5 kamid ah mas’uuliyiinta dowladda.

Wasaaradda warfaafinta Taiwan ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in ay si lama filaan ah ay dhulka ugusoo dhacday diyaarad nuuceedu yahay Black Hawk waxaana dadka ku dhintay ugu caansan Jeneraal Shen Yi-ming.

Jeneraalkan ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu waaweyn wasaaradda Gaashaandhigga wuxuuna horay usoo qabtay jagooyin kala duwan, wararka ayaa intaas ku daraya in dadka ku dhintay shilka uu kamidyahay madaxii sirdoonka ciidamada Melleteriga wadanka Taiwan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso