Maareeyee Siciid Xasan Masuul Ay Mahadisay Dekeda Berbera oo la Yimi Waxqabad Mug Leh. Qore. Cabdi-majiid Axmed Warsame

Maareeyee Siciid Xasan Masuul Ay Mahadisay Dekeda Berbera oo la Yimi Waxqabad Mug Leh. Qore. Cabdi-majiid Axmed Warsame

Qofka haya xil-dawladeed oo hawlbowle ah, isla markaana leh, aqoon, khibrad shaqo, firfircooni dhalinyaronimo iyo daacadnimo leh, waxa uu Hayadda uu qaranka uga wakiil yahay ka dhigaa mid tisqaada, oo umaddu mahadiso adeegga ay u bulshada u qabato.

Sidaas daraadeed, waxan Maanta Jeclaystay inaan Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi iyo Maareeyihiisa Dekeda qaranka Siciid xasan ugu hambalyeeyo horumarka dhinac walba leh ee ay ku talaabsatay Dekeda weyn ee Magaalada Berbera labadii sannadood ee u dambeeyey, horumarkaa iyo waxqabadka mugga lehna, uu ku amaanan yahay madaxweynaha iyo masuulkiisa uu wakiishay Dekeddu, oo runtii la odhan karo waxay horu-socod la mahadiyey ku sameeyeen Dekedii weyneed ee Berbera oo noqotay mid caalamiya, isla markaana oo Maanta la tartamaysaa dekeda waaweyn ee dalalka Jaarka.

Waxana isbedelada ka muuqda kamid ah Faraca-bada ee ay Somaliland maamusho oo xukuumaddu ku samaysay horumar balaadhan oo dhinacyo badan ah, xaga shaqaalaha oo si weyn loo kobciyey shaqadooda iyo sidoo kale dhismaha labada dabaq ah ee la dhisay sannaadkii hore oo ka kooban 24-Xafiis, iyadoo bilic ahaan iyo waxtar ba dalka iyo dekedaba usoo kordhisay.

Sidaas daraadeed waxan si kal iyo laaba u boggaadinayaa Maareeyaha Dekeda Berbera, oo Dekeda Berbera Siciid Xasan waxqabadkiisa iyo hanaankiisa masuuliyadeed inta badan uu soo jiitay qaybaha bulshada caafimaadka qabtaa ee aragta wanaaga Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waa Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo runtii la yimmi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato iyo dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera iyo weliba kuwa yaryar ee dalka.

Labadii sanadeed ee u dambeeyey waxa muuqata oo markhaati ma doonaa in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi dhexda u xidhatay dhismaha iyo dayac-tirka dekedaha Somaliland itaal ay doonaanbaa ha lahadeene, waxaana kowka ah, Dekeda weyn ee Berbera oo noqotay mid casriya, isla markaana u guurtay inay la tartanto dekedaha dhigeeda ah ee geeska, waxa sanaad kadib, insha alla dhamaan doona dhismaha deked cusub oo 400-mt ah, sidoo kale waxa ku sii xigi doonaa dhismaha deked kaloo afar boqol ah, runtii himilooyinkaa hirgelitaankooda waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera.

Guulo la mahadiyey iyo waxqabadka noociisa aan weli hore loo arag, ayuu ku talaabsaday Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isagoo gudanaya waajib saran, hadana waanu ku bogaadinaynaa waxanan leenahay waad ku mahadsan tahay waxtarkaaga wanaagsan Mudane

Waa Bilahii Tawfiiq.

Cabdi-majiid Axmed Warsame

Berbera/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso