Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa tacsi u diray ehelada dadkii shalay ku dhintay iyo kuwii ku dhawaacmay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa tacsi u diray ehelada dadkii shalay ku dhintay iyo kuwii ku dhawaacmay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Waxa uu ku sifeeyay weerar bahalnimo ah oo lagu gumaaday dad shacab ah iyo ubaxii soo kacayay ee aan waxba galabsan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu yidhi “Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal!
“Xamar dhaxal umay helin
In dhiig korkeeda lagu qubo
Xamar dhaxal umay helin
In dadkeeda lagu dhibo…” Abwaan Laabsaalax.

Advertisement

Ku Xayeysiiso