Ciidamada dowladda Libya oo qaaday dagaallo ka dhan ah kuwa General Haftar

Ciidamada ku xiran dowladda Libya ee ay aqoonsan yihiiin Qaramada Midoobay ayaa koonfurta casimadda Tribuli ka bilaabay weeraro cusub oo ay ku qadayaan cidamada mucaradka  ee uu hoggamiyp Generaal Haftar.

Gobjooge ayaa ku waramay in ciidamadu fuliyeen hawlgal ka dhan ah ciidamada Khalifa Haftar oo ku sugnaa agagaarka garoonka diyaaradaha Tripoli Sabtidii.

Warar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay qabteen dhowr dhismo,isla markaana ay burburiyeen taangiyo iyo gaari militari.

Shirkadda shidaal oo laga leeyahay Liibiya ayaa ka fiirsaneysa saameynta dagaaladaasi ay ku yeelan karaan xiritaanka dekeda Zawiya iyo in ay shaqaalaha ka daadgureyso goobtaasi bacdamaa dhinacyada dagaalamaya ay ku soo dhowanayaan halkaasi.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii hore Mucammar Al-Gaddafi 2011-kiiwaxaa dalka Libya ka soo ifbaxay laba awood oo ay kala taageeraan Qarasmaqda Midoobay iyo dalal ka mid ah caalamka sida Masar iyo Imaaraadka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso