14 Qof oo ku dhimatay Diyaarad ku bur-burtay Dalka Kazakhstan

Ugu yaraan 14 Qof ayaa ku geeriyootay 60 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray shil Diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Kazakhstan.

Diyaaraddan oo sidday 100 Qof oo rakaab ah ayaa ku dhacday dhisme Gegida ka ag dhowaa xilli ay ka duuleysay Garoonka duullimaadyada ee Almaty Airport oo ku yaalla Caasimadda Nur-Suldan.

Saraakiisha gurmadka ayaa sheegay in Dadka dhaawaca ahaa ay geeyeen goobaha caafimaadka, halka 20 meeyo kalena ay soo badbaadiyeen.

Madaxweynaha Dalka Kazakhstan, Qasym-Jomart Toqayev, ayaa tacsi u diray Dadka ku waxyeelloobay shilkaasi Diyaaradeed.

Advertisement

Ku Xayeysiiso