Wafdi ka socda Somaliland oo sida gargaar binu aadamini oo gaadhay Muqdisho

Waxaa goor dhow garoonka diyaaraaha Muqdisho ka degay wafdi ka socda Somaliland.

Wafdigan ayaa sida gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah dalkaasi Soomaaliya, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Deeqda oo ah mid lacageed ayaa dhan 600,000 oo Dollerka Mareykan ah.

Xubnaha wafdiga oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaland Mr Jamaal Caydiid iyo Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa lacagtaasi ku wareejin doonon guddiga gurmadka fatahaadaha ee Dalkaasi Somalia.

Advertisement

Ku Xayeysiiso