“FAHANKAYGII WAR-MURTIYEEDKA MADASHA.” Cabdinaasir Axmed Abraham.

Djibouti oo isku darsatay ugu yaraan hoggaan faker wanaagsan ka haysta danaha siyaasad,dhaqaale-amni ee dunida gaar ahaanna gobolka  oo anigu qof ahaan aan u aqoonsanahay siyaasiga Soomaalida maanta talisa ugu bisaylka badan. Haddaan sababeeyo Djibouti oo marka deegaannada Soomaalida la barbar dhigo “Harag sakaaro ah” ayuu quwadihii dunida ugu waaweyna ku wada qanciyay in uu mid ba dhinac ka fadhiisiyo.  Hoggaanka fakerkiisu halkaa gaadhsiisan yahay ka sokow Djibouti wakhtiga ayaa saacidayay muddo dheer oo waxa ay ku jirtay gu’geedii, hadda se is-beddelka Kaalkulasta juquraafi siyaasaddeed “Geopolitics calculas” ayaa farta ku fiiqaya in wakhtigu dhabarka u jeediyay. Sidaa darteed, ayuu Ismaaciil Cumar Geelle oo arrintan si wanaagsan u fahansani damcay in uu isticmaalo, afkaar dhex marsado, kana dhex hadlo madasha.

Hadda ba Madashu maaha dad Soomaalida deegaannada kala duduwan ku nooli ay u wakiisheen in ay ku matalaan go’aan ka gaadhista arrimaha Soomaalidu wada leedahay. Maadaama oo wakaaladda ay  innagu matalayaan aanay haysan si sahlan birta ugu ma jari karaan go’aan qoomiyadda Soomaalidu leedahay. Sababtuna waa in Soomaali maanta aanay jiritaan siyaasi ah lahayn. Wax na wada leedahay, wax na kala leedahay, aadna u qalafsan tahay sidii loo heli lahaa go’aanno aayo-ka-tashi oo ay la wada dhacsan tahay Soomaalidu. Bal go’aannada noocaas ah ee madasha ku degdeg tay aan mid ka soo qaato. 

● Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika.

    Halkaa innoo may sababayn xuddunnimada Djibouti waxa ay ku siiyeen. 

Ma nabaddaa? Oo sow ta Jigjiga, Hargeysa iyo Garoowe ba nabadda yihiin.

Ma dumuqraaddiyaddaa? Oo sow ka Geelle 20 sanno kursiga ku fadhiya? Mooyi’e haddana maskaxda Aadamaha ayaa u abuuran doonista wax ay ku qanacdo. 

Waxa wax laga murugooda ah in dawladda Somaliland oo arrinteeda shirkii Heritage soo qabanqaabisay ee Djibouti aad luugu lafo-gurayay go’aannadii ka soo baxay na meelo hawlbowleyaal ah lagaga xusay in aanay xilli 48 saac ka badan weli caddayn aragtideeda ku wajahan barta ay ka taagan tahay. Sidaa darteed, waxa aan shacab weynaha reer Somaliland uga tacsiyaynayaa hoggaanka gunnimada qaayibay ee aan dadkiisa dareen iyo siyaasad midna ku matali karin.  Waxa aanan ku talinayaa in qof kasta ba iskii isku xilqaamo oo sidii caadada ahayd u guto waajibaadka qarannimo wixii uu baylah u arkayo. 

Hal na waa iga ogaysiis oo in aan fagaareyaasha siyaasiga ah cidi innuugu maqnayn ee taasina sidaa aan uga war qabno. Intaa waxa aan ku dari lahaa in hay’adda yar ee Heritage la yidhaa ee dawladda Djibouti gaashaanka ka dhigatay in ay tahay halista ugu weyne ee siyaasaddeed ee xilligan Somaliland leedahay. “Major Political Threat” Sida oo kale, waxa jira garab nabad iyo nolol ka mid ah oo uu gadhwadeen ka yahay Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Mr. Jamaal oo iyaguna siyaasad isir-nacayb iyo arxan-darro sees u tahay wata oo ka shaqaynaya qabanqaabada shirkana kaalin mug leh ku leh. 

Soomaalinimadu marka aanay ahayn jaranjar siyaasi ah ee ay tahay xidhiidh dhiig iyo wada dhalasho kal iyo laab wax aan ka jeclahay ma jiro, haddii taariikhda dib loo milicsado na waxa aan ka soo jeedaa dadka Soomaali jacaylka dhibkii ugu laxaadka weynaa ka soo gaadhay. Ma jirto Soomaalinimo waxa aan ku weynay xataa wax u dhaw cid ku weyday. Hadda ba Soomaalinimo run ah oo daacad laga yahay haddii la rabo waa in waxa aan wada leenahay ahmiyadda la siiyaa oo ah; Afka iyo dhaqanka. 

Qodobbada gaalada lagu beer-laxawsanayo ee ay ugu mudan yihiin in dumarku kaalin muuqata ku yeeshaan ka qayb galka siyaasadda Geeska. Dhiiri-gelinka dhalliinyarta, la dagaallanka saboolnimada, dawlad wanaagga iyo dumuqraaddiyadda. Intaas marka gees loo dhigo war murtiyeedka haddii akhris indheer-garato lagu akhriyo waxa ka muuqata in ubucdiisu Djibouti u dan tahay marka laga tago wixii lagu raad-gatay. 

Tusaale: 

1. Madashu waxay mahad ballaaran u jeedineysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo si hagar la’aan ah u marti sooray kasoo qayb galayaasha madasha, isagoo sii adkeeyay kaalinta hormuudka ah ee ay Jamhuuriyadda Djibouti ugu jirto dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan weeleynta aqoonta, dhaqanka iyo haldoorka. Guud ahaan shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Djibouti waxay muujiyeen sida ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo aragti walba oo ay leeyihiin.Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti ka codsaneysaa inay sii xoojiso kaalintaas qiimaha iyo qaayaha leh. 

2. Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika.

3. Madashu waxay bogaadinaysaa doorka muuqda ee ay Djibouti ka qaadatay nabadeynta Soomaalida, gaar ahaan shirarkii dib-u-heshiisiinta, dowladihii lagu dhisay halkan, ciidamada hiil walaal iyo dardar-gelinta wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa inay sii kordhiso doorkaas dahabiga ah.

    Djibouti ammaan wax aan ahayn war murtiyeedka ugu ma jiraan bal hadda ba aan eeg Somaliland iyo Soomaaliya iyagana waxa ay madashu ka tidhi. 

☆ Soomaaliya; madashu waxay ka tacsiyeyneysaa dadki ku dhintay daadadkii dhawaan ka dhacay gobollada kala duwan ee Soomaalida. Madashu waxay aad u bogaadineysaa gurmadka ay sameeyeen shacabka  Soomaalidu. Waxayna ku baaqaysaa in laga tabaabusheysto aafooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda.

☆ Madashu waxay dhiirrigelinaysaa kordhinta dhaqaalaha ay dowladdu ku bixiso waxbarashada iyo adeegyada kale. Waxayna ugu baaqaysaa madaxda Soomaaliya in si mug leh loogu soo jeesto kobcinta kartida dadka ee dhanka aqoonta iyo caafimaadka.

☆ Madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya hareeyay sannadkan, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadeed inay amuurohooda ku dhammeystaan wadahadal iyo isqancin iyo u tirid shacabka. Si gaar ah, madashu waxay ku baaqaysaa in saamileyda siyaasaddu ka heshiiyaan hannaanka doorashooyinka 2020-ka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara kicinta xiisado siyaasadeed iyo khalkhal amni. 

☆ Madashu waxay sidoo kale ku baaqaysaa in doorashooyinkaas ay ku qabsoomaan wakhtigii loo muddeeyay si loo dhowro sharciyadda dowladnimada, loona xoojiyo hannaanka dimoqraadiga ah.” 

☆ Madashu waxay ugu baaqaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib usoo nooleyso wadahadalladii ay la laheyd Somaliland ee yoolkoodu ahaa in isqancin iyo isku tanaasul lagu dhammeeyo arrinta Somaliland oo ah mid masiiri ah.” 

☆ Somaliland; madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ka aloosnaa Somaliland ee la xiriiray Guddiga Doorashooyinka. Madashu waxay soo dhaweyneysaa dadaalka nabaddoonnimada ah ee ay sameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, si loo soo afjaro xiisadahaas, loona dhowro nabadda deegaannda Somaliland.” 

☆ Madashu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Somaliland inay sii waddo wadahadalkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si xal waara looga gaaro arrinta Somaliland.

     Dulucda haddaa abbaaro madashu Somaliland iyo Soomaaliya oo doorashooyin ka dhacaanna dhalliil bay dusha uga tuureen Djiboutina ammaan. Aniga caqligayga yari uu diiday oo way iga daadegi weyday arrintaasi, 

LA SOCO …

Advertisement

Ku Xayeysiiso