Koox ka Tirsan Naadiyada Kubadda Cagta Kenya oo Ciyaaro Saaxiibtinimo la Yeelanaysa Kooxaha Somaliland

Xidhiidhka Kubadda Cagta Kenya ayaa shaaciyey in kooxda Sindo United oo ka mid ah kooxaha kubadda cagta heerka labaad ee Kenya ay booqasho ku imanayaan maanta Jimce ah magaalada Hargeysa, waxaanay ciyaaro saaxiibtinimo la yeelan doonaan qaar ka mid ah naadiyada magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame.

Siday warisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Kooxda kubadda cagta ee Sindo United ayaa sheegtay inay booqashadooda Somaliland la xidhiidho sidii ay da’yarta reer Somaliland ugu dhiirigelin lahayeen ciyaaraha.

Waxa kaloo kooxdaas reer Kenya ay tilmaantay inay caalamku tusayaan sida dhallinyarada Somaliland ay xaq ugu leeyihiin inay helaan fursadaha dhinaca ciyaaraha iyo sidii ay JSL u yeelan laheyd xul qaran, maadaama oo Hay’adaha ciyaaraha caalamiga ahi wali aqoonsan Jamhuuriyadda Somaliland.

Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Samatar Maxamed Cabdilaahi ayaa Wakaaladda Wararka ee SOLNA u sheegay in kooxdaas ka socota dalka Kenya ay 23ka bishan oo ku beegan Sabtida ay la ciyaarayaan Kooxda Dawladda Hoose oo haysata Horyaalka kubadda cagta caasimadda Hargeysa.

Xoghaye Samatar waxa uu intaas ku daray inay Kooxda Sindo United ay maalinta Isniinta ee 23ka bishan ay magaalada Boorame kula ciyaari doonaan xulka ciyaartoyga gobolka Awdal.

 Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya aya xidhiidhkoodu soo xoogaysanayaa iyadoo labada dal ay ka go’an tahay inay yeeshaan cilaaqaad adag oo dhinaca siyaasadda iyo ganacsiga ku wajahan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso