Diyaaradaha dagaalka ee Israel oo duqeeyay Marinka Gaza

Diyaaradaha dagaalka ee Isra’il ayaa weeraray marinka Gaza horaantii saaka ,ka dib markii dagaalyahanada Falastiin ay  gantaallo ku tureen koonfurta Isra’il.

Weraro isxig-xiga oo xaga cirka ah ayaa lagu bartilmaameedsaday Gaza,mana jiraan illaa hadda wax khasaaro ah oo la soo weriyay labada dhinac.

Illaa hadda ma jiraan cid sheegatay gantaalaha lagu weerarary koonfurta Isra’il,waxana ciidamada Isra;il ay sheegatay in ay duqeysay goobo lagu sameeyo hubka.

Wakaalada Wararka ee Falastiin ayaa sheegtay in weerarada xagga cirka ah lala beegsaday dhismooyin ay ku howlgalaan maamulka Falastiin sida xaruntii  sirdoonka ee Safeena.

Advertisement

Ku Xayeysiiso