Qoys ka kooban Afar Ruux oo ku geeriyooday Hargeysa ka dib markii uu ku soo dumay Gidaar ay la jaar ahaayeen

_إنا لله وإنا إليه راجعون

Alle ha u naxariistee qoys ka kooban Afar ruux oo kala ah Marxuum Faysal Aadan Cabdi Diiriye oo ah  aabbaha qoyska iyo xaaskiisa Marxuumad Hinda Aw Axmed oo xaamilo ahayd iyo laba Carruura oo ku geeriyooday degmada 31 May ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu ku dumay guri qadiimi ah oo ay jaar la’a ahaayeen dhammaantoodna ku nafwaayeen.

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa ka hawlgalay maydkana ka soo saaray guriga dumay.

Maydka ayaa hadda la keenay cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun Alle ha u Naxariisto Dhamaantood.
 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso