Habar Dhali weydey Alleelo ku waalatay

Habar Dhali weydey Alleelo ku waalatay

Ruuxaha uu galo Damac iyo han uu ku haweysto jagada ugu sareysa qaran, ee doona in uu Dal Madaxweyne u noqdo, waa in uu u lahaadaa aqoon buuxda Ummada iyo duruufaha ku gaddaaman Dalka uu doonaayo in uu hago, Siddoo kale waa inuu lahaadaa Hadaf siyaasadeed oo uu ku Hawl galo iyo qorshe uu ku fuliyo oo uu kaga midho dhaliyo rayi iyo afkaar wixii wax qabad uga meel yiil, ee u qoyndeysan mudo xileedka la igmaday. 

Haddii se kursi iyo Madaxweyne Mar idhaha arinkaagu uun ahaa, oo aanad qorshe iyo arintoona haynin, tabtaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayuu xaalkaa noqon, markay xaajo murugtaba inaad isku mashquuliso wasiirada sidday yihiin kuwa wax dhabqinaaya, se cudurka kaa gala Fardaha haddii laga gubo Dameer, geenyo kuma bogsooto,  siddaa laajigeed waa hogaamiyaha kay taladu Taabka ugu jirtaa ee loo daba fadhiyaan, in arinkii noqdo wasiiradow isku meeraysta, oo ila meeraysta, waa halkii Mujaahidkee ila meereyso Xal maaha. 

Dalka waxa ka jira ismaan dhaaf siyaasadeed oo ba’an, oo kala irdheeyey mujtamacii, caddaalad daro baahsan, Garsoorkii wuu Hawl gabay, waxa tan’beeshay cabashadii shacabka cidna dhag uma jalaq siiso, waxa isasoo taraaya qaylo dhaanta kasoo yeedheysa dacalada Dalka ee dirirta iyo Colaada leh, taariikhda intii ay jirtay Somaliland waa Kow in jiho walba laga iclaamiyey jabhado caddaalad u dagaalan ah, waxa jira muran aan saldhigin oo ka taagan komiishanka qaran, oo maalinba maalinta ka danbaysa sii cakir maaya, Shuruucdii Dalka u yiil oo lagu tuntay, dastuurkii oo lagu xadgudbay, muwaadiniintii oo Ciddi wax ka gurayn oo xaquuqdoodii la duudsiinaayo oo xadhig, cabudhin, tacadi iyo cago-juglayn lagula kacaayo oo bahdillaadina u dheer tahay, xisbiyadii Mucaaradka ahaa oo yaaban. 

Iyada oo xaal halkaa taagan yahay, halkii madaxweynaha qaranka Somaliland uu guntiga dhiilka iskaga dhigi lahaa, ee uu u sixi lahaa wixii jira, ayuu isku mashquulinayaa wasiiradiisa iyo Halkuu miiska magaca u saaraayo ee uu ka soo jeedinaayo, shacabkii ka kore indho-sarcaadkii iyo iska jeedi oo isku jeedi.

Hadal iyo dhamaan arimin baa lagaa sugaayey iyo qaladaad tiro Beeley oo in lasaxo u baahane, isku bedel kala bedelkaagu, Mudane waa Habar Dhali weydey Alleelo ku waalatay. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso