Gudida aan dhamaystirnayn ee Doorashooyinka oo Gudoomiye u Doortay Eng Riyo Raac halka Ku xigeena u doorteen Mr Mustafe Dhawal

Gudida doorashada Somaliland ee kala dhiman tiradooduna tahay Lixda ah ayaa u doortay Gudoomiye xubintii muranku ka taagnaa xisbiyada mucaaridkuna diidanaayeen ee Eng Abdirashid Ali (Riyo-raac) halka ay Gudoomiye Ku-xigeenkiisa cusub na u dorteen Mustafe M. Dahir Dhawal, Labadan xubnood ayaa ah kuwii uu keenay Madaxweyne Muuse Biixi.

Doorashadan ay xubnaha lixda ah ee Doorashooyinka ee aan dhamaystirnayn ayaa waxa ka taagan muran xubno ka mid ah halka dhaartii lagu dhaariyey lafteeda uu ka taagan tahay hadal lana sheegayo in loo dhaariyey siiqo aan waafaqsanayn Sharciga u yaal dalka iyo Gudidaba.

Gudidan ayaa ka dhalisay Somaliland gudaheeda kala qaybsanaan balaadhan, taas oo ay hadda gacanta ku hayaan xalinteeda Odayaal isxilqaamay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso