Waxaanu Hayadaha caalamka ee ku shaqada leh Xuquuqul insaanka u gudbinay Xadhiga Afhayeenka iyo Xoog hayaha Guud ee xisbiga Waddani. qalinkii A/rahman fidhinle UK

CANBAARAYN XADHIGA  Afhayeenka iyo Xoog-hayaha guud  ee Xisbiga Waddani

Aniga  oo ka shidaal-qaadanaaya xeerarka Caalamiga ah ee Xaquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ee dhaqan galay sanadkii 10.12. 1948 gaar ahaan qodobada 1,2,3,5,7,9,10,11,13 farqadaha 1 & 2; sidoo kale qodobada 18,19, iyo 20. Iniga oo ka duulaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha dadyowga Midowga Afrika ee dhaqan galay 21.10.1986, gaar ahaan qodoboda 2,3,4,5,6,7,8,9,10,11, 12.

Sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobkiisa 27-aad farqadiisa 1-aad ee tilmaamaya Xuquuqda iyo Waajibaadka Muwaadinka ee lama taab taanka ah. Sida  uu qeexaayo Xeer Lr 14/2001 qodobkiisa 20-aad farqadiisa 1-aad waxaa lagu tuntay isla markaana la ixtiraami waayey xasaanadii masuulnimo iyo tii xisbinimo ee masuuliyiintaasi lahaayeen, maadaama aan masuuliyiintan lagu qaban iyaga oo fal danbi gacanta kula jira loona soo goosan warqadii waaranka aheyd waxaa xadhigoodu uu baal marsan yahay Dastuurka Qaranka Somaliland iyo dhamaan xeerar ka caalamiga ah ee xuquuqul isnaanka.

Dhammaan qodobadan badan ee kor ku xusan ee ay kow ka yahay qodobka 27-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxay gebi ahaantood sid cad u qeexayaan xasaanada iyo xuquuqda Bani-aadamka waxaanay reebayaan in muwaadin aragtidiisa loo xidho.

Waxaa dhamaan xeerarkan kor ku xusani ka wada digayaan in aan sinaba qofka Bani aaadamka ah loogula dhaqmi karin sifo ka baxsan xeerarka caalamiga, sharciga islaamka iyo shuruucda Dastuurka JSL haddii aan maxkamad sharci ah horteeda loogu cadeyn fal-dambiyeed uu ciqaab iyo xadhig ku mutaysan karo. Waxa qawaaniinta caalamka ka reeban in lagu xad-gudbo xuquuqda shakhsiga loona isticmaalo awood dowladeed iyo mid ciidan, isaga oo aan lagu qaban isaga oo denbi faraha kula jira.

Waxaa xukuumadda cod dheer loogu sheegayaa in  labda muwaadin ee kala ah Afhayeen xisbiga wadani Barkhad Xuseen cabdi iyo Xooghayha guud ee xisbiga wadani  Khadar  Jaamac in xoriyadooda oo buuxda si deg deg ah loogu soo celiso.  Sida xukuumadda talada haysaa jejceshahay Madaxda Xisbiyada mucaaridka  laguma sandulayn karo cago jugleyn , xadhig iyo garbo duub. Waxaa magacyada  muwaadiniintan loo gudbiyey dhamaan haydaha udooda xuquuqul insaanka ee ka hawlgala wadanka ingiriiska  ku waas oo Xukuumada su’aalo ka waydiin doona Xadhigooda waxaana ka mid ah hayadahaas kuwan hoose:

          1- Amnesty International. …

2-Bail for Immigration Detainees. …3-Campaign for Freedom of Information. …4-Charter 88. …5-Electronic Frontier Foundation. …6-European Human Rights Centre (EHRC) …7-Human Rights Watch. …8- Islamic Human Rights Commission

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso