Dhulgariir ka dhacay Albania oo geystay khasaaroyin kala duwan

Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.4 ayaa ku dhuftay woqooyiga magaalada Tirana ee caasimadda dalka Albania,kaas oo geystay lix dhimasho ah iyo dhaawacyo gaarayua 325 ruux.

Dhulgariirkaan oo ka bilowday magaalada Durres, ayaa lagu waramay in uu saameyn ku yeeshay dhul baaxaddiisu tahay 13—meyl,kaas oo ku dhow caasimadda Tiraana.

Dhlgariiirkaan oo ah kii ugu weynaa ee mudo tobonaan sano ah ka dhaca Albaaniya,wuxuu burburiyay dhismooyin badan,iyadoo sadex dugsi waxbarasho oo ku yiillay magaalooIyinka Durres, Lezhe iyo  Tirana la xiray illaa amar dambe.

 

Wasiirka Caafimaadka ayaas manta oo Tallaado ah sheegay in ugu yaraan ay dhinteen lix,halka uu dhaawacu gaarayo 325, ruux,waxaana dadweynaha loogu baaqay in ay ku sii nagaadaan dibadda oo ay ka baxaan guryaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso