Hogaamiyaha Dhabta ah iyo Hogaaminta Najaxda!

Hogaamiyaha Dhabta ah iyo Hogaaminta Najaxda!

 

Sannadkii 1260kii Taariikhda Milaadiga , waxaa dalka Masar ka taagnaa dhibaatooyin aad u daran oo ay kamid ahaayeen; mid siyaasadeed oo kursiga lagu loolamo, mid dhaqaale oo Masar waxaa ka taagnaa xaalad aad u adag oo dhaqaale, iyo Xaalado colaadeed oo wakhtigaa Masar waxaa la col ahaa dhamaan Maamulada la jaarka ahaa oo dhan sida;  Ayuubiyiintii, Salabiyiintii iyo Quwad aad u xoog badan oo kusoo wajahnayd.

Iyada oo Xaalada Dalka Masar sidaa ahaa , ayaa waxaa xukunka qabsaday nin Geesi ahaa oo la odhan jiray  (AHN) Maxamud Ibn Manduud ( Qudus) .  Hogaamiyaha dhabta ahi waa ka marka ummadiisa xaaladi lasoo daristo bulshadiisa ururin kara! Runtii Hogaamiyahaa QUDUS ahi waxa uu qaatay tallaabooyin isbedel oo Maxsuulkeedii dambe noqday in  Dalkiisii , Dadkiisi iyo ISLAAMKU ba guuleysto..

Talaabadii kowaad ee uu qaaday waxay ahayd in dhamaan qaybihii kala duwanaa ee bulshada dalkiisaa Masar u isugu wada yeedho oo uu kala tashado Xaaladahaa sare ku xusan….. Marka laga yimaad ; Colaadihii kaga socday …..Salabiyiintii Gaalada iyo Ayuubiyiintii weerarka ku hayey Maamulkii Masar , waxaa jiray duulaan aad culus oo kaga soo jahaysnaa Ciidamadii Mangooliyaanka ahaa ee Tataar……..intaa waxaa u dheereyd Xafiltan Siyaasadeed oo salkeedu ahaa hogaaminta dalka iyo kursi kala jiidasho u dhaxeeyey labadii Xisbi ama Garab ee lagu kala magacaabi jiray MUCASIYIIN iyo MAMALIKUL BAXRIYA. Waxaa  labada dhinac soo kala gaadhay ficiltan sababay  dhimasho iyo xadhig … wakhtigaa  waxaa dalkaa ka yaacay qaybihii ugu badnaa Garabkii Mamalikul Baxriya oo u fakaday dalkii SHAAM…. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Saraakiil sar sare oo Ciidan . halka Qudus uu ka mid ahaa garabkii Mucasiyiinta…

Haddaba, aan usoo gudo noqdo ujeedada aan ka lahaa Qoraalkan ……Qudus waxaa uu qaaday talaabooyin iyo go;aamo geesinimo ay ku jirtay…. Waxaa kamid ahaa; in markii kowaad uu dhamaan qaybaha bulshada kala duwan intoodii magaca lahayd sida Ganacsato , Culimaaudiin , Siyaasiin iyo Aqoon yahan ba uu isugu yeedhay….Sidii Dalkaa Masar uu uga badbaadin lahaa arimahaa kala duwan ee aan dusha kusoo xusay. Tii dhaqaalaha waa uu xaliyey markii kowaad….. tii siyaasada oo ahayd ta ugu adag waxa uu ka qaatay tanaasul taariikhda galay….oo inagana la inooga baahan yahay in aynu ku dayano. Waxa uu ka tanaasulay dhamaan wixii ay isku hayeen dhinaciii kasoo jorjeeday oo badhkood dalka ka fakaday…waxa uu cafiyey dhamantood …. Waxana uu ka codsaday in kuwii fakadayna ay dalka dib ugu soo noqdaan ……waxaana uu kula heshiiyey in ay dalkooda wadajir ay dhinac ugu soo wada jeedaan………Ragaa uu la heshiiyey waxa kamid ahaa Masuuliyiin Magac iyo maamus ba ku lahaa dalkaa Masar dhinac siyaasadeed iyo mid dagaalba oo waxaa ku jiray Generalo dhinac dagaalka khabiiro ku ahaa…..waxa uu kala doortay in Dalkiisa iyo Dadkiisu badbaado iyo in raga wuu ka adkaadee sidaa ay ku maqnaadaan……haddii ay sidaa ku maqnaadaan iskama celin karo quwadahaa kusoo jahaysan.. dalkiisana kama saari karo xaaladihii uu ku jiray……aakhirkii markuu cafiskaa iyo wadatashigaa sameeyey waxa ay u horseeday in Dalkii iyo Dadkii Masar iyo Guud ahaan ISLAAMkuba Guuleysto…… Markaad usoo banbaxdo in aad ummad hogaamiso oo ay hogaamintaaduna najaxdo laba arimood maanka ku hay….1)Wadatashi…..iyo… 2)Tanaasul….

Wabillahi tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeisa Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso