Senegal oo laga furay Masaajidka ugu weyn dalalka Galbeedka Afrika

Kooxaha Muslimiinta ee ugu awoodda badan dalka Senegaal ayaa magaalada Daka ee caasimadda Senegaal ka furay masjidka ugu weyn dalalka Galbeedka Afrika,kas oo dhismihiisa lagu qiyaasay in ay ku baxday 50-milyan oo doolar.

Masjidkaasi,waxaa dhismihiisa gacan weyn ku lahaa walaalaha Muslimiinta ee  Mouride (Brotherhood),kuwaas oo qeyb ka ah dariiqada Suufiyada ee u badan dalka Senegal.

Tobannaan kun oo ruux oo ka kala socday gobolada dalkaasi ayaa maalinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay ka qeybgalay xafladdii furitaanka Masjidkaasi oo sidoo kale lagu casuuumay xubno ka socday dowladda dalka Senegaal,

Masjidkaan oo loogu magacdaray Massalikul Jinaan ,waxaa dhismaha la bilaabay dhowr iyo toban sano ka hor,isagoo dhulka uu ku fadhiyo oo gaaraya lix hektar ay bixiyeen dowladda dalkaasi oo hoggaamisa dad 90 % ay yihiin muslimiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso