Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xadhiga siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo suxufiyiinta

Habeenkii Isniintu soo galaysay ee 17 November 2019, waxa Booliiska Somaliland xidheen laba hogaamiye oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Khadar Xuseen Cabdi oo ah xogahayaha guud iyo Barkhad Jaamac Batuun, af-hayeenkii xisbiga, ayaa la xidhay.

 Maalinimadii Axadda waxa hogaanka xisbigu ku baaqay in taageerayaashiisu isugu nimaadaan xarunta guud si xog loogu sheego. Taliyaha Booliiska, Maxamed Aadan Saqandhi, ayaa ku tilmaamay baaqaas mid aan sharci ahayn isaga oo sheegay inaanay ogolaanayn isku soo baxaasi inuu dhaco.

 Maanta, 18 November 2019, waxa booliisku xidheen xaruntii guud ee Telefiishanka Horn Cable, iyaga oo sidoo kale xabsiga u taxaabay tafitarihii telefiishanka Cabdiqaadir Cusmaan (Coday). Madaxda telefiishanku waxaay u sheegeen Xarunta Xuquuqal Insaanka inaan la tusin amar maxkamadeed.

Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegyaaa in “muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.”

Sidoo kale wuxuu qodobku ku daray in“muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.”

Dastuurku wuxuu damaanad qaaday xorriyadda war-baahinta isaga oo sheegay in “saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  Iagu  cabudhinayo.”

 Waa markii u horaysay ee intii Somaliland qaadatay nidaamka xisbiyada badan madax xisbiyo oo sar sare oo intaas leeg la xidho. Talaabadan aan hore loo arag ee ay dawladdu qaaday waa mid walaac leh. Xisbiyada siyaasadu xaq ayay u leeyihin inay mudaharaadaan. Waa xuquuq dastuuri ah oo ku qoran Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka iyo Mucaahadada Caalamiga ah ee Xuquuqaha Siyaasiga ah iyo kuwa Madani.

 Xaruntu way canbaaraynaysaa talaabooyinka guracan ee laga qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo suxufiyiinta. Waxaanu ugu baaqaynaa dawladda inay ixtiraamto dastuurka oo ay sii dayso siyaasiyiinta iyo suxufiga ay xidhay.

 Xaruntu waxaay walaac wayn ka muujinaysaa xorriyaadkii Somaliland oo sii shiiqaya. Waxaanu ugu yeedhaynaa dawladda inay joojiso ku xadgudubka xuquuqaha dastuuriga ah iyo cabudhinta ay kula kacday hogaamiyayaasha mucaaradka ah.

 

Yasmin Omar Haji Mohamoud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Email: hrcsomaliland@gmail.com

Phone: +252 63 4472011

  

Advertisement

Ku Xayeysiiso