Ururada madaxa-baan oo war-saxaafadeed ka soo saaray muranka gudida doorashooyinka

Is-bahaysiga Ururada Madaxa-banaan ee Somaliland (ISCO Somaliland) waxaay si dhow ula socotay geediga doorashooyinka Somaliland ee looga gol lahaa in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka ee dib u dhaca badani ku yimi, gaar ahaan dadaalada ay xisbiyada siyaasadeed ugu jireen inay ka gaadhaan heshiis khilaafka ka dhashay Gudida Doorashooyinka si loo bilaabo diyaar-garawga doorashooyinka.

 27 July 2019 sadexda xisbi ee Somaliland waxaay ka heshiiyeen muranka jiitamay ee ku saabsanaa xubnaha Gudida Doorashooyinka, heshiiskaas oo shacabka Somaliland ku abuuray rajo iyo yididiilo ay u qaadeen in la soo af-jaro dib u dhaca qayral dasstuuriga ah ee su’aasha geliyay dimoqraadiyadda Somaliland.

 Kadib markii Guurtida iyo xisbiayda mucaaradka ahi ay soo magacawdeen xubnohoodii, Madaxawynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u gudbiyay Golaha Wakiilada todobada xubnood si ay u ansixiyaan. Nasiibdarro, xisbiga Waddani wuxuu ku dhawaaqay inaanu ku faraxsanayn laba ka mid ah sadexda xubnood ee uu magacaabay madaxwaynuhu. Wuxuu ku dooday Waddani in Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) aanu buuxin shuruudaha sharcigu u dhigay, halka uu ku dooday in Kaltuun Xasan Cabdi ay ka mid ahayd xubnihii hore ee Waddani ka cawday. Xisbiga UCID wuxuu ku raacsan yahay Waddani diidmada ka dhanka ah Cabdirashiid Riyo-raac.

 Xisbiga Waddani wuxuu la noqday xubintii uu soo magacaabay. 12kii November ayuu Golaha Wakiiladu ansixiyay lix xubnood oo uu ka mid yahay kuwii mucaaradku diiday. Labada xisbi ee mucaaradka ahi waxay sheegeen inaanay ka qayb noqon doonin doorashada inta Cabdirashiid Riyo-raac ka mid yahay Gudida Doorashooyinka.

 Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaani markay derseen ee ay kormeer joogto ah ku sameeyeen arimaha doorashooyinka, waxaay iskugu yimaadeen shir 16 November 2019. ISCO Somaliland waxaay si wayn uga walaacsan tahay halka ay marayso dimoqraadiyadda Somaliland. Dastuur ahaan waa dimoqraadi Somaliland, balse waxaay jebisay dastuurkeedii. Waxaanu si aad iyo aad ah uga xunahay in Somaliland ku guuldaraysatay inay qabato doorashooyinka Golaha Guurtida oo joogay tan iyo 1997, Golaha Wakiilada (tan iyo 2005) iyo Golayaasha Deegaanada (tan iyo 2012). Si dimoqraadiyadu u jirto, ISCO waxaay aaminsan tahay in doorashooyinka lagu qabto xiligooda. Dal iska indho tira isku xukunka sharciga, aan tixgelin siin qanuunka doorashooyinka, islamarkaana ka hor-istaago shacabku inuu doorto hogaankiisa, laguma tilmaami karo dimoqraadi.

 ISCO Somaliland waxaay soo jeedisay talooyinka soo socda:

Xisbiyada mucaaradka 

ü Inay ka go’naato inay ka qayb-galaan doorashooyin lagu qabto xiligooda oo ay u muujiyaan rabitaan in kor loo qaado qiyamka dimoqraadiyadeed.

Madaxwaynaha Somaliland iyo xisbiga talada haya

ü Inay ixtiraamaan dasatuurka iyo isku xukunka sharciga;

ü Inay ixtiraamaan baahida shacabka u qabo inay codeeyaan si ay u helaan cid cusub oo ku metesha Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanada;

ü Inay wax ka qabtaan cabashooyinka mucaaradku ka qabo Gudida Doorashooyinka;

ü  Inay la yimaadeen hab feker cusub oo hal abuur leh oo mudnaanta siinaya in la qabto doorashooyinka raagay si loo af jaro dib u dhaca doorashooyinka iyo mudo kordhimaha la caadaystay iyo in la badbaaadiyo dimoqraadiyadda dalka.

 Bulshada rayidka ah

ü Inay ka ciyaaraan door firfircoon geedi socodka dimoqraadiyada iyo inay xisaabiyaan madaxda. Bulshada rayidka ahi waa inay la saftaan xuquuqda aasaasiga ah ee shacabku u leeyihiin inay codeeyeen iyo inay ka qayb qaataan si loo ilaaliyo mabaadida dimoqraadiga ah iyo in la ilaaliyo dastuurka.

Talo ku socota xubnaha lagu muransan yahay ee Gudida

Ujeedada Gudida Qaran ee Doorashooyinku waa inay u garnaqaan murashixiinta. Hadii xisbiyada mucaaradka oo ah cidii aad u qaban lahaydeen doorashadu aanay rabin oo aanay kalsooni ku qabin garsoorkiina, waxa haboon oo aanu ku talinaynaa inaad taas ixtiraamtaan oo aad iska casishaan xilka la idiin magacaabay.

Baarlamaanka Somaliland

ü Ixtiraama isku xukunka sharciga iyo dastuurka;

ü Ixtiraama dadka idin doortay 2005 oo taageera dadaalka loogu jiro in la helo xubno cusub.

ü Inaad iska fadhidaan kuraasta baarlamaanka iyada oo aan doorasho dhicin waxaay ka soo horjeedda dastuurka, waxaayna su’aal gelinaysaa dimoqraadiyadda Somaliland iyo sharcinimada hay’adaha dalka.

ü Waxaanu kula talinaynaa xubnaha Baarlamaanka inay ixtiraamaan dimoqraadiyadda oo ay baneeyaan kuraasta.

ü Golaha Guurtid waa inaanay samayn kordhin cusub.

Golayaasha deegaanada

ü Ixtiraama isku xukunka sharciga;

ü Xilkii la idiin doortay wuu dhacay, mana jirto korodhsiimo la idin siiyay. Faldan ixtiraama shacabkii idin doortay shanta sanadood oo ka bilaabmayay sanadkii 2012.

ü  Baneeya kuraasta oo xilka ku wareejiya xogahayayaasha fulinta.

 Xubnaha ISO Somaliland

 

1. Centre for Policy Analysis

2. Centre for Youth Empowerment,

3. COMPAD Human Rights and Community Organization

4. Garsoor Social Development organization

5. Horseed Organization

6. Hope Development organization

7. Human Rights Centre

8. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO)

9. Somaliland Street Children Rehabilitation Centre

10. Somaliland Women Association (SOWA)

11. Somaliland Women Development Centre (SOWOD)

12. Voice for Somaliland Women Minority Organization (VOSOMWO)

13. Hodan Women Relief Organization

 

Wixii faah-faahin ah kala xidhiidh:
 
Maria Abdilahi Gahayr

Phone: +252 634777044

Email: iscosomaliland@gmail.com

Twitter: @ISCOSomliland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso