Dagaalo,Jabhado xal maaha

Anigga oo ka mid ah dhallinyaradda ka soo jeeda Gobolka Awdal oo ah meeshay looga dhawaaqay jabhadda Cawaale iyo tii ka sii horeysay ee Hoggaaminayo Suldaan Waber aad baan uga xumahay in Somaliland oo maanta 29 Sanno jirta ay jabhadda ka dilaacaan!
Waa nasiib daro iyo fool xumo ku soo beegtay wakhtigan uu talinayo md Muuse Biixi!
Aad baan uga damqaday warkaasi markii aan shallay warbaahinta maxaliga ku arkay, run ahaantiina ma taageersani in waddanka uu marxalad laga soo gudbay dib ugu noqodo. Dadka deegaankaasi ka soo jeeda dheef umalaha in la qaxo, barakac, colaad iyo dagaalo ka dhilaaca dhulkii aqoonta iyo ilbaxnimadda iyo guud ahaan Somaliland
Arrinta Saami Qaybsiga
Arrinta saami qaybsiga qof iyo qofaf ay dheefi ugu jirtaa ma jirto, haddii maanta la magacaabo wasiir, wasiir ku xigeen, agaasime, xubno haayaddaha dawliga ma jirto cid ay faa’iido ugu jirtaa aan ka ahayn qofkaasi isagga la magacaabay bal is waydii su’aashani
Qofkaasi muxuu ka beddelay deggaankii iyo tuuladdii uu ka yimid? Is waydii wax ma ka beddelay badi shaqo la’aantii dhallinyaradda gobolka haystay?
Is waydii muxuu noloshii ku soo kordhiyey ee aan ka ahayn inuu magaaladda Hargeysa uguura isaga iyo qoyskiis!!
Haddii aanay noloshii, shaqo la’aanta iyo dib u dhicii haystay guud ahaan gobolka iyo degmooyinka hoos yimaad aanay waxba ka beddelin maxay tahay sababta aad ugu doodi kartaa saami qaybsi
Aniggu shaqsiyan waxaaban jeclaa in hal reer ama qoys inoo taliyaan oo aynu doodda la imanaynaa noqoto ama rabitaanka aad ka dagaalamaysaa noqdo
In tuuladdii ama gobolkaagu helo baahiya asaasiga sida;
1. Cisbitaal (MCH),
2. Dugsi waxbarasho ama dugsi farsamada gacanta
3. Biyo nadiifa iyo
4. Waddooyin isku xidha degmooyinka iyo magaaladda gudaheedda.
Baahiyo asaasisga ayey tahay wax loo dagaalamo naf loo huro
Tanaa ah waxay tahay inan ka dagaalano, tani ayey tahay waxad u dagaalanto!!
Markaasi guudahaan shicibka reer Soomalilaan waxaa la gudboon inay dareemaan in dhibaatadda ay tahay siyaasiga xil doonkaa qofka ay dheefta iyo faaiidadu ugu jirto in bulshadda uu kale qoqobo oo kale qayb qaybiyo yahay siyaasiga.

‘’Xila waxan u doortaa nimaan Iiba diir nixine
Hadba kii dantiisuun wataan Darajo siiyaaye
Dulmi falaha igu guurayaan Diric u haystaaye’’
Maansada: Maxamed X. Dayax

WQ: Maxamed Cabdinaasir Sh Jaamac (Maxamed Kanadi)

Advertisement

Ku Xayeysiiso