Dowladii waa tii daryeesha danyarteeda

Lakin haday noqoto gabaaray iyo gofane ku naaxay dhiigii iyo dheecaankii danyarta….. Aqri oo ha ilmayn.w.q Abdiqani Salaf

Cashuurta ugu badan waxa laga qaada dadka dabaqada hoose iyo danyarta waxba kuma baaqdaan cashuur dhaaf xaq umalaha sida ganacsatada tanaaday ee iyagu aan habayaraatee aan cashuur bixinin marka laga tago hadyado ay siiyaan wasiirada iyo madaxtooyada oo kolba ay qalabka yaala ka badalaan iyo baabuurta ay laaluushka u bixiyaan iyo lacago kale oo laaluusha.

Isku soo wada duuboo dalkan waxa baabiiyay sadex qabiil oo mid waliba ka kale ka cadowsanyahay kana kiish dheeryahay kuwa kale waana kuwan sadexda qabiil.

1 #Waa siyaasi tuuga oo hadafkiisu yahay lacag boob oo marku kursiga fuulo dadka waxooda sida gabaarayda ku naaxa markaba koox dalka la booba magacaaba oo ku fikira intuu xilka hayo inuu ka lacag bato Bill Gate ninka aduunka ugu lacagta badan wuxu yidhi Gaariye AHN. (markaad hebel duqaysaa reer hebel damqanayaa) markaba qabiil ayuu dabada galinaya si loo difaaco oo uu kursiga u xajisto.

2 #waa ganacsade manaxaana oo laaluush bixiye ah waa ganacsade u fududeeya siyaasiga tuuga ah boobka wayo haduu dhul dowladeed xadaayo wuxu ka iibiya ganacsade xaaraan quute ah waa nimanka aan cashuurta bixin ee hadana waxay waddanka keenaan waxa ugu liita tayo ahaan uguna qaalisan waa qolyaha gadhwayn labaxa ee safka hore ku tukada hadana alaabta dhacda (date) tariikhda  kasoo bedala ee inoo iibkeena, waa nimanka dawada dhacday malaayiin dollar ka faa’ida ee dadkii xanuunka wada qaadsiiyay.

3 #qabiilka sadexaad waa dhaqtar manaxaana oo ilaa aad lacagta kala heshiiso aan dabiibayn bukaankiisa ama marka uu toban mishiin oo wada lacaga oo ka ugu yari yahay 50 dollar uu saaro ku odhanayo iga qaad dhaqtar hebel gee wa saxiibkiiye  kii marka aad ugaysana sidoo kale toban mishiin iyo bac dawo ah kadibna waa Ethiopia uqaad ama Indiab gee sadexda cadaw ilaahay ayuunba wax ka qaban kara waxay heshiis ku yihiin qabiil dabada geli hadii lagu arko oo dadka kala qaybi kadib intay isku maqanyihiin ka shaqayso.

Dadka reer Somaliland ilaahay ayay leeyihiin sadexdan cadaw wadankii waxay kala goosteen (resources) dhaqaalihi dalka 100% iyaga qaatay oo qaybsaday umadiina way isku jeediyeen oo qabiilba qabiil ayuu dhufays ugu jiraa meel laga raacayna ma oga.

Ugu danbayntii xukuumada wadanka ka talisa ee wax ka qaban lahayd iyagaa u taliya waxay noqotay dowladii gabaaray iyo gofone ku naaxay dhiigii iyo dheecaankaa masaakiinta waxa laga dhista qasriyo kuwii carabta patrolka leh ka waawayn xoolihii danyarta cidina uma maqna ceelna uma qodna.

Allah mahad leh

Abdiqani Salaf kaptanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso