Xog Muhiim ah : Magacaabista Taliyaha Cusub Booliska Somaliland Oo Warku Sheegayaan in ay Galaafanayso Madaxa Hawlgalinta Ciidanka Booliska G/sare Maxamuud Ducaale oo Khibrad balaadhan u leh Booliska

Xog Muhiim ah : Magacaabista Taliyaha Cusub Booliska Somaliland Oo  sida Wararku Sheegayaan in ay Galaafanayso Madaxa Hawlgalinta Ciidanka Booliska Somaliland G/Sare Maxamuud Ducaale oo Khibrad balaadhan u leh Booliska iyo Hawl galinta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Ee Cusub Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi “Dabagale” oo Dhawaan Madaxweynu u magacaabay Jagadii uu baneeyey AHN Taliyihii hore Cabdilaahi Fadal Iimaan Ayaa Magacaabistiisa ay ka dambaysay Cabashooyin badan oo Dhinaca Saami qaysiga ah oo baryahaaba isa soo taraayey Oo Ay beesha Garxajis ku wadeen Xukuumada Muuse Biixi. Magacaabistaas Ayaa beesha Garxajis ay ku kala aragti duwan tahay Waxaana badankoodu ay leeyihiin Jagada loo hibeeyey Beeshan Way Fiicantahay lakiin Cida loo magacaabay ayey ka biyo diideen taas oo ay sheegeen in Taliyaha Cusub aanuu Aqoontii jagadaasi  lahay sidoo kalena Kalsooni badan aanay ku qabin ka beel ahaan.

Dareenkan oo Laga dareemi karo ilaa shalay iyo maanta oo aanay Madaxyo Waynta Beesha Garxajis aanay wax hambalyo ah aan laga maqal sidoo kale madaxdhaqameed badan oo uu ku jiro Suldaankii Guud ee Beesha Habaryoonis Sul Maxamed Sul Xirsi Qani oo Shalay shir jaraaid qabtayna aanay ku soo darin shirkooda haba yaraatee wax hambalyo ah oo Ku Waajahan Xilkaa Miisaankiisa leh ee Madaxweynuhu nin Beeshaas ka soo jeeda u magacaabay.

Sidoo kale warar hoose oo aanu ka helayno Qaar ka mid ah Sulaadiinta Juufada hoose ee  Beesha Taliyaha ayaa sheegaya  in ay ka biyo diidsan yihiin Magacaabistaas Halka ay maantana ku bilaabeen in ay Eedo balaadhan u soo jeediyaan Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa.

Dhinaca kale Madaxa Hawl galinyta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale Oo Ah Sarkaal Khibarad badan u leh Hawl galinta ama hawl maalmeedka Ciidanka Booliska  Oo ay taliyahan Cusub isku Beel ka soo wada jeedaan (Garxajis) Ayaa warar hoosaad aanu helaynaa sheegayaan in Xilkaa hadeer uu hayo laga badali doono taas oo lagu sababaynayo in laba nin oo isku beesha Garxajis ahi  in aanay macquul ahayn in  labo Jago oo muhiin u ah Ciidanka Booliska Wada hayaan.

Hore waxaa labadan Xil u wada hayn jiray Alleh ha u naxariistii Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska  Maxamed Saqadhi Dubad Halkan Hogaanka Hawl Galinta Ciidanka Boolsika Somaliland uu hayey AHN Taliyihii Dhawaan Geeriyooday Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan taas oo labaduba ay isku beel ka soo wada jeedeen.

Si kastaba ha ahaateen waxaynu eegnaa isku shaandhayn dhawaan uu samayn doono Madaxweyne Muuse taas oo uu madaxda dalka qaarna jagooyinkay hayaan u badali doono halka qaarna uu shaqada ka fadhiisin doono.

Warqabadka Togaherer.

Advertisement

Ku Xayeysiiso