Finland oo Soomaaliya ugu deeqday lacag kaalmo ah oo gaadhaysa 8.9 milyan oo dollar

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Finland ayaa ku dhawaaqday $ 8.9 milyan oo dheeri ah oo loogu deeqay Soomaaliya,iyadoo loo sii marsiinayo Bangiga Aduunka oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya.

“Waxaan ku qanacsanahay horumarka ballaaran ee lagu sameeyay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyo dib u habeynta la sameeyay tan iyo 2012, laakiin caqabado badan ayaa jira, gaar ahaan xaqiijinta gaarsiinta adeegyada meelaha ugu liita” ayuu yiri Danjire Eric Landberg, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadad Finland.

Sidoo kal, Danjire Eric Landberg, ayaa sheegay in Dowladda Finland ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka caawiso sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha jira,islamarkaana ula jaanqaadi lahayd horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Hague Riedel, oo ah Agaasimaha Xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri “Finland waxay weli tahay la-hawlgale muhiim u ah Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya.

“ Taageerada cusub ee Xukuumadda Finland waxay noo suura galineysaa inaan sare u qaadno taageerada awoodda Dowladda si loo hagaajiyo adeegyada muhiimka u ah Soomaaliya, Finlandna door muhiim ah ayey ku leedahay qaabeynta jihada Sanduuqa,”ayuu hadalkiisa ku sii daray Hague Riedel.

Ugu dambeyn, taageerada maaliyadeed ee Dowladda Finland ay siiso Sanduuqa Bangida aduunka ayaa kordhin doonta maalgelinta lagu sameynayo Hay’adaha Dowladda iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Khuburo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada guud ee laga leeyahay taageerada dhaqaale ee Finland ay tahay in la xoojiyo awoodda gobolka ee lagu dhisayo hay’adaha Dowladda si loogu adeego Shacabka Soomaaliyeed.

Advertisement

Ku Xayeysiiso