Dawladda Itoobiya oo Somaliland ku Ammaantay Ilaalinta Nabadgelyada Xeebaha Gobolka

Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa sii taabogelinaya  cilaaqaadka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal ee Jaarka ah.

Wargeyska East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa  weriyey in Itoobiya ay danaynayso  inay  inay wax ka dhoofiso, waxna kala  soo degto marsadda Berbera.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay sannad kasta dekedda Berbera kala soo degto  baddeecad qiimaheedu gaadhayo 600 illaa 700 oo Milyan oo Doolar.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa la kulmay Safiirka cusub ee Itoobiya u jooga Nairobi, Meles Alem Tikea, waxaanay falanqeeyeen sida ugu wanaagsan ee loo sii horumarin karo xidhiidhka labada dal.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay in Itoobiya iyo Somaliland uu ka dhexeeyo cilaaqaad taariikhi ah, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan arrimaha Nabadgelyadda iyo Ganacsiga, Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Waxbarashadda.

Safiirka Itoobiya u jooga Nairobi, Meles Alem Tikea ayaa sheegay inay Somaliland door weyn ka qaadatay ammanka xeebaha, isla markaana kor loo qaadayo iskaashiga ganacsiga ee dalkiisu la leeyahay.

Warsidaha East African Business Week wuxuu intaas ku daray in dawladda Itoobiya ay tahay xulafada ugu muhiimsan ee Somaliland ku leedahay  gobolka Geeska Afrika, waxaanay Itoobiya saami dhan Boqolkiiba 19 ku leedahay mashruuca casriyeynta dekedda Berbera oo ay ku wada jiraan dawladda Somaliland iyo Shirkadda DP World.

Advertisement

Ku Xayeysiiso