Madaxweynihii hore ee K/Afrika oo wajahaya maxkamad

Markii ugu horreysay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago,iyadoo loo heysto in ka badan 16-kiis oo dacwo ah oo ay ku jiraan arimo musuqmaasuq ah iyo wax isdaba marin.

Zuma waxaa ka mid ah eedeeymaha loo jeediyay qaadashada  lacago laaluush ah o uu ka helay qandaraas gaadhaya 3.5 bilyan oo dhexmaray dowladda K/Afrika iyo shan shirkadood oo reer Yurub ah,kuwaa oo ka ganacsada iibinta diyaaradaha ,doomanka loo isticmaalo ilaalada iyo qalab mileteri.

Kadib dhowr isku day oo uu ku doonaayey Zuma  in lagu joojiyo dacwadaha loo heysto , ayaa waxaa maanta la horkeeni doonaa maxkamada sare ee dalka K/Afrika,isagoo ku eedeysan sida la sheegay kasbashada  afar milyan oo Rand ($ 270,000

Xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) ayaa ku qasbay in uu iska casilo jagada madaxweynenimada sanadkii la soo dhaafay kadib sagaal sano oo uu xukunka hayey,

isbuucii la soo dhaafay ayeey aheyd in uu horyimaado maxkamad,sidaa daraadeed, Sarkaal maxkamadeed ayaa saadaaliyay in bilowga howsha maxkamadeyta ay u badnaan doonto rafcaan ka qaadashado la xidhiidha go-aanada maxkamadda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso