Ururka Jaamacadda Carabta Oo dhaleeceeyay gelitaankaTurkiga Ee Suuriya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si kulul ucambaareeyay duullaanka melleteri ee dowladda Turkiga ay ku qaadday gobollada dhaca Waqooyiga iyo Bariga wadanka Suuriya.

Kulan degdeg ah oo wasiirrada arrimaha dibadda dowladaha Carabta ay ku yeesheen magaalada Al Qaahira ayay ku sheegeen in ciidamada Turkiga ay ku xad gudbeen madax banaanida dalka Suuriya waxayna ugu baaqeen Q.Midoobay in ay arrintaas tallaab adag ka qaaddo.

Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo ka jawaabtay eedaynta loo jeediyay ayaa sheegtay in duullaanka ay ku qaadday dalka Turkiga uu yahay mid ah ku difaacayso amnigeeda qaranka waxayna dowladaha eedeeyay ku sifaysay kuwa shucuubtooda khiyaameeyay.

Dowlado ay kamid yihiin Sacuudiga,Masar iyo Imaaraatka Carabta ayaa iclaamiyay in ay si aad ah u taageersanyihiin Kooxaha Kurdiyiinta Suuriya waxayna melleteriga Turkiga ku tilmaameen soo duulayaal.

Advertisement

Ku Xayeysiiso