Qarax haleelay Markab shidaal oo laga leeyahay Iiraan  

Markab shiidaal oo watay calanka dalka Iiraan ayaa lagu waramay in uu manta dab ku qabsaday meel ku dhow biyaha badda ee dalka Sacuudiga,ka dib markii uu haleelay waxa lagu sheegay laba gantaal.

.Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in markabkaasi shidaal oo ay leedahay shirkadda shidaalka ee dowladda Iiraan uu maraayey meel 100 km u jirta dekeddda Jiddah,waxaana warku intaa ku daray in aysan jirin waxyeello soo gaartay shaqaalihii markabkaasi.

Qaraxani wuxuu ku soo beegmay xilli xaalad  adag ay ka jirto marinada  biyaha badda ee gobolka,iyadoo goobaha shidaalka iyo maraakiibta qaadda shidaalka ay noqdeen kuwo bartilmaameed u ah weerarada.

Xiisadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Iran ayaa gaartay heer sare kadib markii Sacuudiga uu ku eedeeyay Iran weeraradii lagu qaaday xarumaha saliidda ee Aramco.

Afhayeenka Ciidamada Badda Mareykanka ee Bariga Dhexe, Pete Pagano  wuxuu sheegay in masuuliyiintu ay ka warqabaan wararka ku saabsan dacdadaasi, balse wuxuu diiday in uu wax faahfaahin ah bixiyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso