Bakistaan iyo Ciraaq oo u kala dab-qaadaya Sacuudiga & Iiran

Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa u muuqda in ay qaadayaan tallabooyin dibolomaasi oo xal loogu raadinaayo xiisadaha ka jira Bariga Dhexe,ka dib kolkii dowladda Riyadh ay weydiisatay Ciraaq iyo Pakistan inay ka shaqeeyaan isu soo dhoweynta labadaasi dal.

Warbixin maalinimadii shalay ay soo saartay wargayska The Times ayaa lagu sheegay in dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman (MBS) uu ka codsaday hogaamiyaasha Ciraaq iyo Pakistan in ay soo fara galiyaan xiisadda u dhexeysa labada dal,gaar ahaan weeraradii lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga bishi Sebtembe 14-kii .

Dowladda Sacuudiga ayaa u sheegtay Wargeyska Times in Baqdaad iyo Islamabad ay u soo jeediyeen wadahadal dhexdhexaadin ah, laakiin waxay beeniyeen in tallaabadaasi ay ku timid dalabka dhaxal sugaha.

Xukuumadda Tehraan ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u tahay isla markaana ay u furan tahay wadahadal ay la yeeshaan dowladda Riyadh.

Advertisement

Ku Xayeysiiso