Q.Midoobay oo ku baqday in wax laga qabto isbadalka cimilada

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in isbadalka cimilada ay tahay arin muhiim ah oo wajahaya dunida maanta,isla markaana loo baahan yahay in wadamada caalamka ay ku dhaqaaqaan sidii hoos loogu dhigi lahaa sare u kaca heerkulka ee saameeyay dadka dunida.

Isaga oo ka hadlaya Shirweynaha Cimilada ee New York wuxuu u sheegay in xaaladda cilimada ay ka sii dareyso,isla markaana loo baahan yahay in hoggaamiyeyaashu ay qaataan go’aanno adag oo wax looga qabto dhibaatada.

“Waan lumineynaa dadaalka aan ugu jirno xagga horumarka,” ayuu yidhi Guterres oo intaa raaciyay in Isbedelka cimilada uu si xawli ah u socdo marka loo eego heerka aan maanta joogno.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii wuxuu ka shaqeeyey sidii loo xallin lahaa iskudhacyadii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay dunida.

Advertisement

Ku Xayeysiiso