Q.Midoobay oo soo dhoweysay war ka soo baxay kooxda Xuutiyiinta

Ergeyga Q.Midoobay ee u xilsaaran dalka Yemen ayaa soo dhoweeyay yabooha ka yimid kooxda fallaagada ah ee Xuutiyiinta,kaas oo ku saabsan in ay joojinayaan weerarada ay ku hayaan dalka Sacuudi Carabiya.

Martin Griffiths ayaa hadal uu soo gudbiyay ku sheegay in fulinta baaqaasi ay tahay farriin adag oo soo afjari kara sanado badan oo ay jireen colaado daadiyay dhiig aad u fara badan..

Baaqa Xuutiyiinta ayaa yimid todobaad ka dib markii la weeraraay goobaha muhiimka u ah soo saaridda saliidda shiidaalka ee dalka Sacuudida,taas oo ay sheegteen kooxdaasi,balse Q.Midoobay ay ku andacoodeen in gantaal Kuruus ah oo ka yimid Iiraan lala beegsaday xarumaha shiuidalka ee Sacuudiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso