Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Garnaqsiga Burco!

Waxaa maalmahan guddaha magaalada Burco laga dareemayaa soo dhaweynta Madaxweynaha mudane Muuse Biixi Cabdi, iyadoo calanka Somaliland laga laalaadiyey isgoysyadda iyo fagaarayaasha magaalada Burco.

Waxaan reer Burco lagu yaqaanaa dad aan la gaban fikirkooda iyo dareenkooda laakinse ilaahay ku manaystay gobanimo iyo qadarin ay siiyaan cid kasta oo maamuus ku leh dalka dhexdiisa.

Waxaa maanta Somaliland jira guux ka jira goboladda bariga sida ( Sanaag , Sool , Togdheer iyo Awdal) kuna saabsan awood qaybsiga qabaailka waaweyn ee Somaliland degan.

Burco waxaa lagudboon inay fidiso gogol nabadeed una gogol dhigto   madaxweynaha iyo Qoorweynta degan goboladaasi.

Madawxweynuhu waa bashar wax wey ka qaldami karaan, wuu il duufi karaa , haseyeeshee waxgaradka iyo aqoonyahanka dalku dhamaantood yaanay ilduufin.

Dalku waa dal siyaasadiisa gooni isutaagu u ambuurtay cadaadwad kala dhaxeysa cid la ogyhay iyo cid qarsoon oo aan la ogeyn fagaarahana la imaan dood ay ku didan tahay jiritaanka Somaliland.

Reer Burco waa hooyadda Somaliland, hooyana ubadka iyo aabaha ayaa u dhaxeysa oo isku wadda reerka oo dhan. Kallintaas ayey Burco leedahay in dib loo noqdo cadowguna ka faaiidaysto tafaraaruqna yimado Burco ayaa kaalintaas leh cid la lehina majirto.

Nin la odhan jiray Dirir geedi oo awoowgay aabo ahaa ayaa yidhi ‘’ ARIN NIN LEH OO GARAN WAAYEY AYAA DILEY’’ Burco arinkeeda ha garato. Dalka ha isu jiido, dulqaadkii hooyo iyo raxmadeedi ayaa looga baahan yahay.

Madaxweynaha waxaa la gudboon inuu dadkiisa dhegeysto sed deeqa uma wada helayee qowl aabonimo oo dadkiisa ha deesiiyo oo ha yiraahdo ‘’ SED IYO CALAF BAA DANBEEYA’’

Burcooy gobanimadii si hufan oo qaangaadhnimo ah usoo dhaweeya madaxweynaha qorshe Somalaind dejiya la hortaga madaxweynaha ee mid Burco iyo Mid Bari iyo galbeed maanta ma joogto.

KAFTAN IYO CIYAAR WEY KA KULUSHAHEE HOOY BURCOOY HOOY!!!!!!!

 

Hassan Ali Dirir (Hassan Dalac)

0634006833

Advertisement

Ku Xayeysiiso