Biyaha Roobku Halkey  ku socdaan.By: Abdifataah M.Ahmed

 

Ummadaha islaamka ah sida Somaliland Helitaanka Roobku waa wax noloshooda ka mid ah.Dhaqaallaheena Sida Beeraha,Xoolaha ayaa inoogu tiirsan roobka oo da,a,Sannadkasta wakhtiga billaha gugu inoo qorsheysan yahay waxa lagu qaabillaa farxad iyo rajo.sidaasi oo ay tahay haddanna Abbaaro laga dhaxlo roobka oo ka baaqda wakhtigiisa ayaa la arkaa marka curashadii roobku ka dib dhacdo wakhtigiisa ama uu yarraado.

Sannadkii Bisha March ku Dhawaad Dabayaqadeeda Ayaa Rajadii Roobka curashada laga hadlaa lana arkaa Daruuraha dul hoganaya Magaalooyinka.Mararka qaar Roobku haddii uu ku da,o wakhtiyadii aan la sugi jiren Dadku wey la amakaagaan,Marka uu baaqdana waxa ay u dhag-taagaan goorta Dhibiciisu Dhulka taaban doonno.Sida aad casharadii Cilmiga juquraafiga ku dhigatey ama aqoonta cimilada iyo xilliyada Roobka Ayaa la soo Dhaweeyaa Bilaha March ilaa June inta u Dhaxeysa Guud ahaan Dunnida.

Sugaanteena iyo noloshaba waxa qeyb ka aheyd in la saadaalin jirey Xilliyada roobka,Awoowyaasheen iyo Bahdeena Suugaanta Ayaa ina barey Xilliyo kala duwan oo Roobku da,o intaan Jiilaalka loo jiheysan,iyaga oo maggacyo kala duwan inagu soo gaadhsiiyey,Xilliyadaasi ka sakowna Roobka kala duwan ee xiliyada kala duwan da,a ayaa leh Maggacyo kala duwan.Ayaamahan Horumarka laga gaadhey Cilmiga Tiknolojiyada iyo Cimillada saadaasha hawada,waxa la sheegayaa roobab waxyeello leh oo soo socda,inkasta oo mararka qaar roobabkaasi ay baaqdan oo illaahey ummadiisa hareer mariyo Dhibtiisa.(Waxaan Xassuustey Waxyeelladii kal-hore iyo Gurmadkii Diyaaradaha imaraadka iyo jabouti)

Billaha March,April,May iyo June Roobabka ugu badan Ayaa la sugaa,waxaan sugnaa in Roobku isku fidiyo guud ahaan dalka oo dhan.Billahaasi waxa ku Jira Ayaammo badan oo aan dibadda loo soo bixi karin Xoogga dhibica roobka da,aayo awgeed,isku socodka iyo bixitaankuna wuu xidhmaa meelo badan Adduunka iyo Somalilandba.Daaradaha guryaha biyo ayaa soo buux dhaafiya,Ayaammo aan Dharka xaafaddu qalajisan karin ayey u tahay,Iliiladaha,Dariiqyada iyo Jidadka la maro ayey biyaha roobku buuxsamaan.Gudaha Guryaha qaarkood iyo Dibaddaba Biyaha raxmada Alle ayaa Nimco iyo Nusqaanteeda lagu arkaa.

Maalmo xasuus leh ayaa roobkii da,ayey aynu soo arragney qoyaan,biyo,iyo galal xareed ah Ayaan u soo joogney maalmahan,In la kala carraabo oo la kala hoydo wakhtiyada gellinka dambe iyo saacadaha fiidkii,Salladahana oo la is raaciyo ayeynu arkeyney,ufada iyo Dabeysha xoogga leh ee Roobka hortii Cabsideedi ayeynu u joogney,marka uu roobku qaadana deganaan iyo xasilooni qabow,Dhirta oo wada ruxmeysoo biyuhuna tifiqleynayaan ayeynu daawaney,Qawda biyaha illiiladaha maraaya, Ayaa farxad lagu daawanaayey.Ayaammo cimilladu ku seexineyso ayey aheyd,farxadda soo bixida marka roobku qaada ay ku  rajo gelineysey, cabida koob shaaha oo kulul iyo casho fiican ayaa inoogu fillan xasuus roobeed,

Xaqiiqo ahaanse marka laga tago xasuusaha wanaagsan iyo waxyaabaha nimcada ah ee lagu xasuusto roobabkii soo da,ay ayaammahaasi,haddana waxa ay lahayeen welina laga dardaar werinayaa cabsi iyo waxyeello,Isbeddelka cimillada ayaa si inoo sameynayaa,Dad badan ayaan rumeysan in roobabkii berrigii horre la heli jirey ay intan ka badnaayeen kana waxyeello yarrayeen,Fatahaada iyo waxyeellada daadka Roobabka ayaa intii horre ka soo badanaaya.Dhimasho ay sababayaan Ayaa sannad kasta aynu arkeynaa.Waxyeello dhanka maalka iyo hantida ah sida Guryaha lagu noolyahay ayey wataan.

Riyaddeeni aheyd aan biyaha xidhano weli waa gaabis,Addeegyadii biyo mareenada iyo illiiladaha caasimada iyo guud ahaan shaqadii dawladda hoose roobkii da,aaba dhaliil ayuu u sii kordhinayaa,diyaargarowga sannadlaha ahi wuu yar yahay,Dooxyadii barriga iyo galbeedkuba waa iska sidii uun,dadnimadeenii hunguriga badneyd ee dooxyada dul-dageysey waa iska sidii uun,biyo mareenadii la xidhaayey ee biyaha isku duwaayey waa iska sidii uun meelo badan,raadinta nolol wanaagsan iyo wax badan awgeed dooxyadiina waa ina dul-dhigtey.

Saadasha Hawadu roob aan waxba yeellin geyiga somaliland ha sheegto,Alle maatida Jilicsan ha dhawro,inta ku dhimatey ha u naxariisto,inta hanti ku weydeyna beddel kheir qaba.Dawladda hoosena waayo-aragnimo ha ka korodhsato Nusqaanta barwaaqada iyo nimcada oo Bulshada sidani ha u dhaanto.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso