Daawo:Dullucda Qoddobo ay ka Wada Hadleen Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey  ayaa maanta meeqaam aad u sareeya loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, waxaana madaarka Jabuuti ku qaabilay Ra’iisul-wasaaaraha dalkaasi Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisii, waxaanay ka wada hadleen sii xoojinta cilaaqaadka labada dal iyo fulinta heshiisyadii hore ay wada galeen labada dal.

Wasiirrada Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Maxamuud Cali ayaa sheegay inay ka wada hadleen labada Madaxweyne sidii loo sii xoojin lahaa wax-wada qabsiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay.

Ujeeddada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso