Reuters oo soo Badhigtay Halista Gudniinka Fircooniga ahi ku hayo Haweenka Somaliland Iyo Qorsheyaasha Lagu Cidhibtirayo

Wakaaladda Wararka ee  Reuters  ayaa warbixin ka qortay  halista Gudniinka fircooniga ahi ku hayo haweenka  Somaliland iyo dedaaalka   loogu jiro sidii loo dabar-goyn lahaa FMG-ka.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa soo turjuntay warbixinta Reuters oo ay  diyaarisay Mrs. Belinda Goldsmith oo ka mid madaxda sarsare ee Wakaaladda Reuters oo dhawaan booqasho ku timid Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa  warbixintaas si qoto-dheer loogu sharraxay halista caafimaad iyo xanuunnada maskaxeed iyo jidheed  ee  gudniinka fircooniga ahi u waxyeeleeyo  haweenka Somaliland, waxaanay   waraysiyo  kala duwan ka qaaday  qaar ka mid ah haweenkii lagu sameeyey gudniinta fircooniga ah, Waalidiin  iyo Dhakhaatiir ka digay  halista caaddada gudniinka fircooniga ah, kuwaasi oo sheegay inay ku taamayaan in caadadaas maalin uun laga cidhibtiro Somaliland.

Wakaaladda  Reuters waxay soo xigatay   Hay’adda  UNICEF  oo   shaacisay  in Boqolkiiba 98 ka mid ah haweenka reer Somaliland ee da’doodu gaadhay 15 jir,  49 ka mid ah lagu sameeyey gudniinka fircooniga ah. Waxa kaloo ay intaas ku dartay in kal-hore Dawladda JSL ay soo saartay fatwo diineed oo lagu mamnuucayey isticmaalka gudniinka fircooniga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa Wakaaladda Reuters u sheegay in Xukuumadda Somaliland ay mudnaanta koowaad siisay cidhibtirka gudniinka fircooniga ah, waxaanu caddeeyey in la joojinayo isticmaalka Gudniinkaas.

“Waxa naga go’an inaanu joojinno adeegsiga gudniinka Fircooniga ah,”ayuu yidhi Mukhtaar Maxamed Cali, waxaannu intaas raaciyey; “Gudniinka fircooniga ahi waa caaddo soo socotay muddo dheer oo ay adag tahay in si fudud loo wada joojiyaa.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso