Pakistan oo tijaabisay gantaalada casriga ah ee balaastikada

Ciidamada dalka  Pakistan ayaa maapnta shaaciyay in ay ku guuleysteen  fulinta tababar la xidhiidhay ganidda nooc ka mid ah gantaalada isaga kala goosha dhul aad u fog,xilli ay jiraan xiisado kacsan ee ka dhashay gobolka Kashmiir,una dhexeeya dalka Hindiya iyo Pakistan

Pakistan waxay si guul leh u fulisay habenimadii xalay tababar ku saabsan ganidda gantaal lagu magacaabo Ghaznavi oo awood u leh inuu soo gudbiyo macluumaadka  dhul masaafo ahaan u dhaxeeya 290 km (180 mayl). .

Afhayeenka ciidamada qalabka sida, Sareeye Guuto  Asif Ghafoor, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in  gantaalkaasi uu  keeni karo macluumaad la xidhiidha wajiga dagaalka ee goobo aad u fog,taasoo loola jeedo ogaanshaha haddii guluf dagaal uu ka bilowdo dhulweynaha u dhexeeya Hindiya iyo Pakistaan.

Pakistan waxay si cadho leh uga jawaabtay go’aankii Hindiya ay kala noqotay gobolka Kashmir maqaamkii ismaamulka iyo raadinta xoriyadooda. ,

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso