Dugsi loo Dhisayo Qoysas la Dejiyey Galbeedka Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa si wada jira u dhagax dhigay Dugsi waxbarasho ka kooban 4-Galaas kaas oo laga hirgalinaayo Galbeedka Magaladda Hargeysa.

Dugsigan ayaa loo hirgalinayaa dadka Barakacayaasha ah ee dhawaan laga raray xafadda 150-ka ee Magaladda Hargeysa ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka C/kariin Axmed Maxamed Xinif waxana uu sheegay in dadka barakacayaasha ah ee Kaamka Malawle ay baahiwayn u qabeen inay helaan Dugsiyo waxbarasho taas oo ah xuquuqdoooda asaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin, sidoo kale waxa uu sheegay in Kaydad Biyood iyo 45-Suuli dhawaan laga hirgalinaayo Kaamkaasi Barakacayaasha.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, ayaa sheegay in ay waajib ku tahay Dawladda iyo Waalidiintaba in Caruurtu ay helaan Waxabarasho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor iyo Xubno kale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Waxabarashadu tahay Xuquuq aasaasiya oo ay xaq u leeyihiin inay helaan dhamaan Caruurta Somaliland gaar ahaanna kuwa Barakacayaasha ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso