Qaraxyo ka dhacay Gaza iyo xaalad heegan ah oo ka jirta halkaasi

Marinka Gaza waxaa maanta lagu soo rogay xaalad heegan ah,ka dib markii qarax lagu dilay 3-boliis oo ka tirsan ciidamada Xamaas ,kaas oo u muuqda weerar is-haligid ah ama is-biimeyn ah.

Qaraxyadaan lala beegsaday laba baro koontorool oo ay joogeen ciidamada Xamas,waxaa ku dhintay 3-sarkal iyo qof rayid ah,halka dhaawacyo kale ay soo gaadheen dad rayid ah.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Gudaha oo lagu magacaabo Eyad al-Bozom ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay dabagal xoogan ku sameeyeen ciddii ka dambeysay qaraxyadasi,balse wax faahfaahin ah kama bixin cidda lagu tuhmayo shilkaasi.

Hamas  ayaa sanadkii 2007-dii la wareegtay magaalada Gaza,ka dib markii ay dagaal la gashay ciidamo taabacsan madaxweyne Mahmoud Abbas ,waxaana Ururkaasi soo waajahay mucaarado gudaha ah oo ay hogaaminaayaan kooxo islaami ah

Advertisement

Ku Xayeysiiso