Kenya oo kaga Guuleystay Jabuuti kursiga Afrika ee Golaha Ammaanka

Dawladda Kenya ayaa ku guulaysatay kursiga Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2021-ka illaa 2022-ka, kadib markii ay ka guuleesatay dowlada Jabuuti.

Cod-bixin ka dhacday magaalada Addis Ababa ayaa dowlada Kenya heshay 37 cod, halka Jabuuti heshay 13 cod, waxa ayna sidaasi dowlada Kenya ku mataleysaa kursigii ka bannaanaa xubnaha aan joogtada ahayn golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

Dowlada Kenya iyo Jabuuti ayaa loola xoogan u galay ku guuleesiga kursigan ka banaanaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana Kenya olole xoogan u gashay sidii ay kursigan ugu guuleesan laheyd.

Soomaaliya ayaa codkeeda ku taageertay dowlada Jabuuti.

Advertisement

Ku Xayeysiiso