R/wasaaraha Bakistaan oo booqday gobolka Kashmiir ee ay ka jiraan  xiisadaha

R/wasaaraha dalka Bakistaan Imran Khan ayaa gaaray qeybta Kashmiir ee ay maamulaan dalkaasi,isagoo dib u xaqiijiyay in uu taageersan yahay xaqa dadka Kashmiiir ay u leeyihiin in ay helaan ismaamul u gaar ah.

Booqashada manta ee R/wasaare Khaan  ayaa ku soo beegantay xuska maalinta xoriyadda dalka Bakistaan,waxayna tallaabadaan ay imaaneysaa waqti dalka Hindiya ay soo saaren amar fulin la yaab leh oo ay ku xayirayso maqaamkii gaarka ahaa ee qaybteeda ay ku lahayd gobolka muslimiintu ku badan yihiin.

R/wasaaraha dalka Bakistaan Imran Khan ayaa ka hor inta uusan manta gaarin qeybta Kashmir  ee ay maamulaan,waxa uu Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbaday in wax laga qabto  xiisadda sii adkaaneysa ee kala  dhexeeysa dalka Hindiya.

Ururka Xuquul Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay tallaabada ay dalka Hindiya u qaaay gobolka Kashmiir,gaar ahaan xayiraadaha dhinaca Isgaarsiinta ah iyo dhaqdhaqaaqyada kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso