Wasaaradda Waxbarashadda oo Ayaan Darro ku Sifeeyey In Xisbiyada Mucaaridku War-moog ka yihiin Siyaasadda Tacliinta Somaliland


    

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo maanta qabtay  shir jaraa’id ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadallo ka soo yeedhay  masuuliyiinta Xisbiyada mucaaridka ah kuwaasi oo eedaymo u soo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada.

Afhayeenku wuxuu  sheegay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ay samaysay Manhaj caalami ah, kaasi oo ay dejiyeen Aqoonyahanka Somaliland, waxaanu deel-qaaf ku tilmaamay hadallada ka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI iyo Xoghayaha Warfaafinta xisbiga UCID.

Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan wuxuu  ayaan darro ku tilmaamay inay masuuliyiinta Xisbiyada mucaaridka ee u tartamaya hoggaaminta dalka ee ilaa heerkaasi warmoog ka ah hawlaha waxbarashada qaranka iyo Manhajka JSL.

Afhayeenku wuxuu  sheegay in 28-kii sanno ee ay Somaliland  jirtay manhajka waxbarasho ee qaranku uu marxalad kasta qaadayey tallaabo horumar ah,  maantana uu marayo marxalad wanaagsan oo la daabacay buugaagtii manhajka ee Dugsiyada, Hoose/dhexe iyo sare intaba,  isla markaana ay Xukuumaddu si lacag la’aan ah ku gaadhsiisay dugsi kasta oo dalka JSL ku yaalla.

 Afhayeenka Cabdilaahi Ibraahim waxa  uu intaa ku daray in wasaaradda waxbarashadu leedahay siyaasad waxbarasho, Xeerar iyo Xeer-nidaamiyeyaal ay ku hagto waxbarashada qaranka. Isla markaana ay waxba kama jiraan tahay hadallada ka soo yeedhay Xisbiyada mucaaridka.

 Ugu dambayna Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan waxa uu ugu baaqay Xisbiyada Mucaaridka ah inay iska hubsadaan xaqiiqada waxyaabaha ay ka hadlayaan kana dheeraadaan ka hadalka waxyaabaha aanay waxba ka ogayn.  Sidoo kalena wuxuu Xisbiyada mucaaridka uga digay in la siyaasadeeyo waxbarashada  ubadkeenna, maadaama ay tahay adeeg bulsho oo dhammaan xil inaga wada saran yahay.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso