MA DHABAA SAADAASHA AH IN ADUUNKU SOMALILAND IYO MARIN BIYOODKA BADDA CAS ISUGU IMANAYO OO AY NOQON DOONTO SAYLADA IYO SUUQA BOQOLAALKA SANO EE SOCDA ADUUNKA UGU MUHIIMSAN ? !!!

SOMALILAND IYO WADAMADA MARIN BIYOODKA BADDA CAS OO LA SAADAALINAYO IN AY NOQDAAN MEELAHA IYO SAYLADAHA GANACSI EE UGU MUHIIMSAN ADUUNKA EE LA ISUGU IMANAYO BOQOLAALKA SANO EE SOO SOCDA !!!

            Waxa aduunka ka dhacda in dhawrkii boqol ee sanoba gobol la isugu tago oo tartanada dhaqaalaha, ganacsiga iyo awoodaha aduunku isugu yimaadaan halkaasi oo ah meel dihin oo ahmiyad u leh dalwalba isla markaana aanu ka qadin joogitaankeeda iyo  wax ka qabsashadeeda , haddaba waxa hada la saadaaliyaa oo saan-saanteedii muuqataa in Gobolka Geeska Africa iyo Marin biyoodka bada cas oo waligoodba aduunka laga yaqaanay ahmiyadooda ay noqonayaan halka aduunku u soo guurayo boqolaalka sano ee soo socda. 

Gobolkan aynu ku noolahay gaar ahaan dhulka Somaliland waxa uu ahaa dhul aad ugu muhiima ilbaxnimooyinkii iyo boqortooyooyinkii aduunyada ee hore gaar ayaan Masar , Ethiopia , Geeska Africa , Jaziirada carabta, Bariga dhexe Beershiya iyo Hindiya oo sida buugta taariikhda ee kala duwani ay qoraan midiba magac gaar ah ayuu u yaqaanay dhulkan iyo dadkii ku noolaa waxaana ka mid ahaa magacyadaa sida; Kush , Bunt , Aroma , dhulkii ilaahyada , sidaasi oo kale carabtu waxa ay u taqaanay Barajam , Bar-as-Somal iyo magacyo kale.

Magaalooyinka Zeylac , Bulaxaar,  BerBera , xiis , Maydh iyo Laasqoray waxa ay ahaayeen magaalooyin ahaa saylado wax lagu kala badasho oo wadamada kale ee aduunyaduna keenaan waxa ay sameeyaan ee dadka Africa u baahnaayeen sida Hu’ga iyo Cunooyinka iyaguna ay geeyaan xoolaha iyo waxii ka soo baxa sida subaga , hargaha , saamaha iwm , waxa kale oo dhulkan hodan ku ahaa xiliyada taariikhaha boqortooyooyinkana muhiim u ahaa fooxa,  maydiga,  xabagta iyo guud ahaan beeyada , waxa sadexaad oo soo raaci jiray baal goray , fool maroodi , beedka gorayada , harimacad iwm.

In uu dhulkani muhiim ahaa waligiiba waxa kuu cadaynaysa 2800 Bc Nebi ciise hortii iyo taariikho ka sii horeeyey ayaa lagu soo bandhigaa buugta taariikhda iyo madxafyada taariikhaha ugu waaweyn ee dalka masar sida  luxor ,  sida uu Alle ha u naxariisto e Cali Jamac Qalinle ku qoray Buugiisa taariikhda umadda soomaaliyeed oo uu ka soo xigtay buug badan oo ay qoreen sahamiyayaal iyo qoraayo aduunyada ee wax ka qoray dhulkan iyo dadkiisa, kuwaasi oo u badnaa Giriig , Ingiriis , iyo Carab .

Haddaba marka aad eegto ahmiyada marin biyoodka badda cas aduunka u leeyahay iyo tartanada ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha ( China ) iyo Maraykan ( USA ) iyo waliba tartanada is xulafaysiyada awoodeed ee aad moodo in aduunku soo miisaanmayo oo wadamada bariga aduunku horumar badan sameeyeen oo dhinacwalba ah , marka lagu daro danaynta dhulka Somaliland ee wadamada carbeed ee Saudi Arabia iyo imaaraatka , Turkiga , Russia , maraykan , Masar , Israel,  UK iyo Iran .

Marka la eego maalgashiga Dekedaha Gobolkan ku yaalla ee lagu tartamayo iyo Free zone ka ama dhulka alaabada la dhigto oo suuq ah laga hirgalinayo Djibouti oo China ka wado iyo Somaliland oo Dp world laga yaabo in ay ka samayso freezone nasiya Dubai oo alaabta la dhigo isla markaana noqda mid alaabta dalka Ethiopia iyo Africa u gudbaysaa ama ay rabaan laga heli karo oo ah suuq dhow oo cidwaliba alaabteeda keensan doonto iyo waliba Deked isku xidha marinka Badda cas marka la eego meesha haboon ee ay ku taallo. 

Marka lagu daro sida dunidu u danaynayso marinkan ee hadda la leeyahay waxa loo sameeynaya ciidamo la yidhaahdo Badda Cas  , iyo tirada saldhigyada ciidamada aduunka ee ku soo badanaya gobolka oo ay dalka Djibouti dhawr saldhig ciidan ku yaalaan , Somaliland na uu ku yaallo saldhiga ciidamada UAE iyo wadamo kale oo badan oo danaynaya in ay saldhigyo iyo ka helaan dekado ay dhistaan oo ay ka mid yihiin , UK , USA , RUSSIA , CHINA , TURKEY  , MASAR  , IRAN , ETHIOPIA , ISRAEL iyo waliba qaar kale oo badan oo EUROPEAN iyo ASIAN ah , ayaa waxa ay ku siinaysaa ama ku tusaysaa in uu gobolkani yahay halka dunidu u soo guurayso boqolaalka sano ee socda ee ugu muhiimsan aduunka .

Waxa haddaba isweydiin leh dadka iyo dawlada Somaliland ma ku baraarugsan yihiin waxa ka socda gobolka ay ku nool yihiin iyo sida dhulkoogu muhiim ugu yahay dalkasta oo aduunka ah , marka lagu daro waliba in ay tahay Somaliland wadamada khayraadkeega oo dhami u yaallo oo aan waxba laga isticmaalin hadii ay shidaal tahay, macdan, khayraadka badda iyo khayraadka barriga, sida  xoolaha nool, kalluunka, beeraha,  beeyada macdanaha kala duwan , saliidaha kala duwan  , dhirta laga sameeyo dawooyinka,  dhirta laga sameeyo waxa la isku qurxiyo,  xoogaga tamarta ee dhuxul dhagaxda,  cadceeda iyo dabaysha , dhirta laga sameeyo cadarada iyo waxyaabaha uduga  ah oo dhan , goobaha taariikhaha iyo dalxiiska iwm .

Waxa aynu u baahanahay in aynu u diyaar garowno oo gaawaha u culano sidii aynu ugu maali lahayn tartanada kala faaiideysi iyo maalgashi oo gobolka iyo wadamada marin biyoodka badda cas ka socda , waxa aynu u baahanahay in dalkeena oo ah ka ugu muhiimsan waxyaabaha dunidu danaynayso oo dhan in uu gadhwadeen isagu ka noqdo hadii gobolku wax qaybsanayo ama wax samaysanayo ee aanay ina dilaalin ama wakiil inaga noqon dawlado aan ahmiyada Somaliland leedahay iyo mid u dhow toona lahayni .

Waxa aynu u baahanahay in aynu sharciyadii aynu aduunka wax kula qaybsan lahayn , kuwii la inagu maalgashan lahaa iyo kuwii aynu dadyowga kale kula macaamili lahayn diyaarsano oo waliba ka fiican kana furfuran oo ka fudud wadamada tartanka inagula jira si dalka Somaliland u noqdo ka ugu wanaagsan ee aduunka oo dhami danaynayo ee la isugu imanayo , Isla markaana noqonaya saylada isku xidhaysa Africa, Jaziirada Carabta , dawladaha bariga ee wax soo saarka warshadaha hada hogaanka u haya sida China, Japan, Hindiya iyo dunida kale ee reer galbeedka ee danaynaysa Suuqa Africa. 

Mohamed Abdi Jama ( Muhamed Dhimbiil )

hormood@hotmail.com

Tell : +252634241005

@dhimbiil 

Advertisement

Ku Xayeysiiso