SAAMI QAYBSIGA XEER DEJINTA WAXAA LOO BATD

Waxaan and ugu mahadnaqayaa dhamaanba muwaadiniintii ka qayb qaatay doodii SAAMI QAYBSIGA XEER DEJINTA Somaliland. 

Waxaa ra’yigii u batay in SAAMI qaybsiga Golaha Wakiiladda lagu saleeyo codka dadweynaha, halkaa Golaha Guurtidana la Soo jeediyay in 23ka degmo doorasho loo qoondeeyo min 3 xubnood, oo wadarteedu noqonayso 69 xubnood. Ka dibna 13 xubnood ee Soo hadhay loo qoondeeyo Dadka laga tiro badan yahay oo gobol kastaa laga Soo xulo 2 xubnood from minority 

Ra’yigii loo batay, waxaanu la wadaagnay dhinacyadda ay khusayso. 

Ilaahayoow eex naguma ogid, aqoon darrana ha nagu cadaabin.

Thanks

Axmed Toorno

Hargeysa

—– Forwarded Message —–

From: ‘Jama, Mustafa’ mustafa.jama@intel.com[SOMALILANDFORUM]

To: SOMALILANDFORUM@yahoogroups.com

Sent: Saturday, August 10, 2019, 07:38:37 AM GMT+3

Subject: RE: [SlF] XALKA MURANKA DOORASHOOYINKA SOMAILAND

Alaylahe! Somaaliland hada uun bay wadadii mustaqbal-ducaysan cagta saartay mar hadii laga doodayo “sidee awooda dawladnimo loo qaybiyaa?”. Inkastoo 30 sanadood ay mudo dheer tahay hadana waa horumar lagu farxo.

 

Marka wajiga awood qaybsigu inaga dhamaado, waxa isha-allah inoogu xigi doonta dood ah “sidee ayaa dowlad shaqaysa oo ixtiraamka dadkeeda hanata loo abaabulaa?” – Taana waa la gaadhi, insha-allah

 

Inta ay dooda awood qaybsigu socoto waxaa muhiim ah in madaxa lagu hayo, dadkana lagu hanuuniyo, inay danta qofkasta oo “Reer Somaliland” ku abtirsada, inay dantiisu ku jirto inay awooda dowladnimo gacanta u gelin (a) Reer (b) Koox ama (c) Deegaan* kooban. Dowladanimo Reero ama Deegaano wax kala boobaya [sida ay hada u egtahay J] ka wayn. Waa hanaan adeeg.

 

Dawlad fiican dadka oo dhan ayey deeqdaa faa’iidadeedu. Mar hadii bulsha-deenu kala-shaki qabiil ku jiro; ha loogu sharaxo sida wax u fahmi karaan;

 

Tusaale ahaan, Laan-dheere ka sheeganaya hala yidhaa “Marka ay dawladu si fiican u shaqayso, faa’iidada  [dividend per capita] Laan-dheeraha ayaa ugu faa’iido badnaanaya madaama uu dadka kale ka tiro badan yahay. Kan dad-ka yarna laga dhaadhac-siiyaa inay dowlada fiican uu ka helayo xaqiisa. This holds true both inter and intra clans. That is, even within the same clan hierarchy the supposedly larger sub-clans will  gulp up smaller sub-clans  without the protection of functional state. Khayr badan! dhamaantiin.

 

 

From: SOMALILANDFORUM@yahoogroups.com[mailto:SOMALILANDFORUM@yahoogroups.com] 
Sent: Wednesday, August 07, 2019 11:21 AM
To: Ahmed Diriye
Subject: [SlF] XALKA MURANKA DOORASHOOYINKA SOMAILAND

 

 

Salaan ka dib

 Waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago xalka arrimaha doorashooyinka Somaliland oo ay soo jeediyeen muwaadiniin reer Somaliland ah, oo loo gudbin doono dhinacyadda ay khusayso si aad fikirkaaga ugu biiriso inta aan si rasmi ah loo gudbin.

 1.      Komishanka Doorashooyinka

 Kow, waxaa haboon in saddexda xisbi mid walba loo qoondooyeo laba xubnood, halka xubinta todobaadna loo qoondeeyo Madaxweynaha. Sidaa awgeed, xisbiga taladda hayaa wuxuu yeelnayaa 3 xubnood, oo laba uu magacaabo gudoomiayah xisbiga, midna mdaxaweynuhu (Haddii ay kala duwan yihiin).

 

Labba: in xisbi waliba marka keeno liiska saddex xubnood oo Golaha Guurtidu uu lab aka xulo, iyadoo xubinta saddexaad ee la reebaana noqon doonto kayd

 

Saddex, Golaha Guurtidu waxaa haboon inaanay waxba soo magacaabin, balse uu golahaasi yeesho awoodaha soo socda (Taasoo la macno ah in Komishanka loo daayo 7 xubnopod, balse saamiga la bedelo)

·         Qorista warqadda dhinacayadda ay khusayso ka amraysa inay soo magacaabaan xiubnoahood

·         Qabashadda liiska xubnaha ay xisbiyaddu soo magacaabaan

·         Kala-saarista xubnaha ay soo magacaabaan xisbiyaddu

·         U gudbinta liiska la hufo Golaha Wakiiladda

 

2. SAAMI QAYBSIGA XEER-DEJINTA

 Labba arrimood ayaa u baahan in la is-waafajiyo dimoqraadiyadda ku salaysan one-man-one-vote iyo awood qaybsiga. Sidaa awgeed ay muwaadiniintaasi soo jeediyeen in labadda gole ee xeer dejinta saami qaybsigoodu ku salaysnaado sida soo soocta.

 Golaha Guurtida

Waxaa haboon in la soo xulo, oo aan doorasho laga dhigin, isla markaana tiro isle’eg laga soo xulo beelaha Somaliland (Ilaa lix beelood ayaa lagu tilmaamay inay Somaliland degaan) si dheeli-tir loogu helo codka beelaysan ee Golaha Wakiiladda lagu doorto.

 Golaha Wakiiladda

Suurogal maaha in la helo tiro-koob sugan oo lagu wada kalsoon yahay. Balse saddexda daqriiqo ee soo socda ayaa midkood la raaci karaa

 

 Dariiqa koowaad: saamiga goboladda lagu saleeyo tiradda cod-bixiyeyaash diiwaan gashan

Dariiqa labaad: in tiro is-leeg oo musharaxiin ah laga sharaxo dhamaan goboladda, ka dibna gobol kasta loogu saami gooyo

Dariiqa saddexaad: Inay soo baxaan 82 musharax ee ugu codka badan dalka oo dhan.

 

Ilahaya baa mahad leh

Axmed Toorno

063-416-5887

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso