Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Oo Farta ku Fiiqay Faa’iido Ay Ardayda Kasoo Baxday Ethiopia Civil Service University U Leeyihiin Nidaamka Dawladeed Ee Somaliland

 


Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Oo Si Gaar Ah Farta Ugu Fiiqay Faa’iido Ay Ardayda Kasoo Baxday Ethiopia Civil Service University U Leeyihiin Nidaamka Dawladeed Ee Somaliland

 “Ardayda Master-ta qaatay ee Kasoo Baxday Ethipia Sicil Service University, waxa ay kaga duwan yihiin kuwa jaamacadaha kale kasoo baxay, Kow Waxay Barteen Waxay Tahay Dawladnimo, Qaabka Dawlad Curdin Ah Loo Dhiso, Loogana Shaqeeyo Nidaamkeeda, Dawladnimadana Loo Habeeyo Ayay Barteen”

“Waxan Codsan Lahaa Soona Jeedin Lahaa In Ardayda Hore Iyo Kuwii Soo Qalinjebiyayba Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa, Aqoontoodana Looga Faa’ideysan Lahaa Lala Yimaado Siyaasadii Ku Wajahnayd, Isla Markaana Si Degdeg Ah Loo Fuliyo” Wasiirkii hore ee wasaaradda horumarinta maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi

 Hargeysa (Togaherer) Wasiirkii hore ee wasaaradda horumarinta maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi oo ka qaybgalay xaflad hargeysa loogu sameeyay arday reer Somaliland ah oo shahaadada labaad ee waxbarashada sare (Master) ku soo qaatay dalka Itoobiya, ayaa ka hadlay doorka ay horumarinta dalka ku leeyihiin ardayda kasoo baxda jaamacada shaqaalaha ee dawladda Itoobiya, waxaana uu carrabka ku adkeeyay waxyaabaha ay kaga duwan yihiin ardayda kale ee ka soo baxda jaamacadaha kale.

Wasiirkii hore ee maaliyada oo ka hadlaya arrimahan,Waxa uu yidhi; “Qoddobka koowaad waxa uu yahay, ardayda soo qaadatay shahaadada labaad (Master) ee waxbarashada sare ee ka soo baxday jaamacada shaqaalaha ee dalka Itoobiya, waxa ay kaga duwan yihiin ardayda kale ee jaamacadaha kale, kow waxay barteen waxay tahay dawladnimo, qaabka dawlad curdin ah loo dhiso, loogana shaqeeyo nidaamkeeda, dawladnimadana loo habeeyo ayay barteen. Machadkaasi wuxuu ka qaybqaatay oo la aasaasay 1995-kii horumarka  ay jaamacadaasi ku naaloonayso dadweynaha fadaraalka dawladda Itoobiya. Waxa muhiim ah oo machadkani kaga duwan yahay jaamacada kale, in qaabka la isugu xidho ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo dawladnimada ay isula jaanqaadaan in lagu soo barto oo iayaduna ay qayb ka tahay qaabka loo kobciyo ganacsatada markaana dawladnimadana loo kobciyo. Reforms-ka dawladi ay bilowday ee meel ay ku gaadhay ayay jaamacada Itoobiya ka qaybqaadatay, oo uu ka mid yahay habaynta shaqaalaha dawladda (Civil service reforms) ee ay hay’adda shaqaalahu wado oo u ka mid yahay (Puplic financial reform) ay wasaaradda maaliyadu wado, ee uu ka mid yahay (justice reform) ee bahda caddaaladda iyo garsoorku ay wadaan, maantana loo baahan yahay in aynu samayno (Puplic administration reforms) waa baahiyaha ugu waaweyn ee qarankani u baahan yahay.” Ayuu yidhi

Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu u soo jeediyay masuuliyiinta hay’adaha dawladda ee ay khusayso, gaar ahaan wasiirka ganacsiga iyo guddoomiyaha baanka inay ka faa’ideysantaan ardayda kasoo baxday jaamacada Itoobiya ee shaqaalaha, waxaanu yidhi; “Mudane Madaxweyne-ku-xigeen, waxan codsan lahaa soona jeedin lahaa in ardayda hore iyo kuwii soo qalinjebiyayba sidii kor loogu qaadi lahaa, aqoontoodana looga faa’ideysan lahaa, lala yimaado siyaasadii ku wajahnayd isla markaana si degdeg ah loo fuliyo, gaar ahaan wasiirka wasaaradda ganacsiga ciddii kaga jirta inuu dalacsiiyo, guddoomiyaha baanka ciddii kaga jirta inuu dalacsiiyo, teamka kalena ay ka qaybqaataan sidii loo dalacsiin lahaa”

Mudane Yuusuf isagoo ka waramaya faa’iidada ay ardayda kasoo baxday jaamacadda shaqaalaha ee dawladda itoobiya u leeyihiin horumarinta nidaamka dawliga ee Somaliland, waxa uu tusaale u soo qaatay muddadii uu wasiirka maaliyada ahaa, arday ka soo baxday jaamacada Itoobiya ee Civil Service University, waxaanu yidhi; “Mudadii aan wasiirka maaliyada ahaa, waxa aan xil qaran u dhiibay in ka badan shan iyo toban (15) xubnood intii kasoo baxday jaamacadda shaqaalaha dawladda ee Itoobiya Civil Service University.”

Ugu dambeyn Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu boggaadiyay ardayda soo qaadatay shahaadada labaad ee master-ta ee kasoo baxday machadka Itoobiya Civil Service University.

Advertisement

Ku Xayeysiiso