XALKA MURANKA DOORASHOOYINKA SOMAILAND

Salaan ka dib

 Waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago xalka arrimaha doorashooyinka Somaliland oo ay soo jeediyeen muwaadiniin reer Somaliland ah, oo loo gudbin doono dhinacyadda ay khusayso si aad fikirkaaga ugu biiriso inta aan si rasmi ah loo gudbin.

 1.      Komishanka Doorashooyinka

 Kow, waxaa haboon in saddexda xisbi mid walba loo qoondooyeo laba xubnood, halka xubinta todobaadna loo qoondeeyo Madaxweynaha. Sidaa awgeed, xisbiga taladda hayaa wuxuu yeelnayaa 3 xubnood, oo laba uu magacaabo gudoomiayah xisbiga, midna mdaxaweynuhu (Haddii ay kala duwan yihiin).

 

Labba: in xisbi waliba marka keeno liiska saddex xubnood oo Golaha Guurtidu uu lab aka xulo, iyadoo xubinta saddexaad ee la reebaana noqon doonto kayd

 

Saddex, Golaha Guurtidu waxaa haboon inaanay waxba soo magacaabin, balse uu golahaasi yeesho awoodaha soo socda (Taasoo la macno ah in Komishanka loo daayo 7 xubnopod, balse saamiga la bedelo)

·         Qorista warqadda dhinacayadda ay khusayso ka amraysa inay soo magacaabaan xiubnoahood

·         Qabashadda liiska xubnaha ay xisbiyaddu soo magacaabaan

·         Kala-saarista xubnaha ay soo magacaabaan xisbiyaddu

·         U gudbinta liiska la hufo Golaha Wakiiladda

 

2. SAAMI QAYBSIGA XEER-DEJINTA

 Labba arrimood ayaa u baahan in la is-waafajiyo dimoqraadiyadda ku salaysan one-man-one-vote iyo awood qaybsiga. Sidaa awgeed ay muwaadiniintaasi soo jeediyeen in labadda gole ee xeer dejinta saami qaybsigoodu ku salaysnaado sida soo soocta.

 Golaha Guurtida

Waxaa haboon in la soo xulo, oo aan doorasho laga dhigin, isla markaana tiro isle’eg laga soo xulo beelaha Somaliland (Ilaa lix beelood ayaa lagu tilmaamay inay Somaliland degaan) si dheeli-tir loogu helo codka beelaysan ee Golaha Wakiiladda lagu doorto.

 Golaha Wakiiladda

Suurogal maaha in la helo tiro-koob sugan oo lagu wada kalsoon yahay. Balse saddexda daqriiqo ee soo socda ayaa midkood la raaci karaa

 Dariiqa koowaad: saamiga goboladda lagu saleeyo tiradda cod-bixiyeyaash diiwaan gashan

Dariiqa labaad: in tiro is-leeg oo musharaxiin ah laga sharaxo dhamaan goboladda, ka dibna gobol kasta loogu saami gooyo

Dariiqa saddexaad: Inay soo baxaan 82 musharax ee ugu codka badan dalka oo dhan.

 

Ilahaya baa mahad leh

Axmed Toorno

063-416-5887

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso