Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Dahabka Sanaag Iyo Jabhadda Caare (Qaybtii 77aad)

Waxa laga helay buuralayda Ceel-shiid Gobalka Sanaag dahab lagu sheegay inuu yahay 24 carat oo noqonaya dahabka ugu saafisan waanna wax ilaahay lagu mahadiyo

 

Sideedaba dalalka laga helay khayraad dhulka ku aasan waxay kala kulmaan dhibaatooyin dhinac walba ah

Sadexda dal ee dunida ugu keydka badan xaga Batoorlka laba ka mid ahi “Venezuela iyo Ciraaq” Hoog iyo Halaag ayaa u dhamaaday dadkooduna wuu ka qatan yahay sababo badan awgood Sidoo kale Labada dal ee afrikaanka ah “Liberia iyo Sierra leone” Dheemantii laga helay waxay sabab u ahayd Dil iyo Qax boqolaal kun denbi ku lahayn

Dunidda reer galbeedka waxaa looga yaqaan HABAARKA KHAYRAADKA DHULKA KU AASAN

 

Sanaag waa gobal ka fog farogelinta dawladda Somaliland sababo Juqraafi iyo Xukuumadaha Hargeysa fadhiya oo aan tali waayay inay fidiyaan ama daadajiyaan maamulka goboladda iyo dhaqaale darri awgeed

 

 

Dawladuhu marka khayraad loogu sheego dhulkooda waxay isku dayaan inay gacanta ku dhigaan ama XUURTAYSTAAN khayraadka oon loo ogolaan shacabka deegaanka ilaahay dhigay waxay keentaa falaago iyo mucaarid hubaysan

 

Waxa wax  lagu farxo ah in dahabka yaal Ceel-shiid deeqay dhamaan shacabka degan gobolka sanaag iyo dadka kale ee Soomaali iyo Ajaaniba leh oo si cadaalad leh u gurta ugana faa,iideeya deegaanka laga helay iyo nafahoodaba

Dahabkani wuxuu sababi karaa abuurid Miliishiyo iyo Jabhado iyagu ismaamula oo weliba hub iyo saanad culus sita oo caasi ku noqon kara maamul waloo isku daya inuu gacanta ku dhigo khayraadka yaal gobolka ama in la isku dayo in laga qaado Cashuuro dawladnimada lagu waddi lahaa , shaki kama taagna in jabhadka Caare inay ka hesho taakule dadka lacagta ka helay Ceel-shiid taasina hadii aan la maarayna waxa dhici karta inay faraha ka baxdo Alle kama dhigee

 

 

Xukuumadda maanta joogta waxa looga baahan yahay xikmad iyo fogaan arag badan oo lagu xalin lahaa arinta Jabhada Caare hadii kale wixii lagu tabcaayay 28 sano waxba kama soo qaad , Ina Cigaal AHN wuxuu isku dayyi jiray inuu xukumo sool iyo sanaag isagoo hargeysa jooga isag oo xukumo dawlad curdin ah sidoo kale Muuse Biixi waxa looga baahan yahay Wada hadal iyo dabcin joogto ah

 

M/Weyne Daladaada soo geli muwaadinka ama jananka ka cadhooday Somaliland waayo ugu danbayn waa muwaadin leh dalkan oo inala wadaaga wax walba haddii la lagu celceliyo WAA FALAAGO KHAAIN AH isaga waxba yeelimayso balse kuwa AQALKA DHALADDA AH KU JIRAA WAA XUKUUMADDA HARGEYSA FADHIDA EE IN LA SHIIDO KA ILAALI

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso