Wasiirka Caddaaladda oo ka Hadlay Mashaariic Laga Fulinayo Sanaag Iyo Badhan

Wasiirka Wasaaarada Caddaaladda Somaliland Mudane C/risaaq Cali Cabdi ayaa ka warbixiyey Mashaariic horumarineed ee Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu amray in laga hirgliyo Gobollada Bari ee Waddanka ,gaar ahaan Sanaag iyo Badhan.

Wasiirka Caddaaladdu oo ka hadlay  socdaal uu dhawaan uu ku tagay Gobolka  Badhan iyadoo uu xusay  in aanay jirin wax mashruuca oo ka fulay gobolkaasi ,gaar ahaan magaalada Badhan amarka madaxweynaha ka hor.

Wasiirka Caddaaladdu wuxuu  sheegay in  shalay ay shirkado waddani ahi ku kala guulasteen mashaariic xukuumaddu ka hirgalinayso gobollada Sanaag iyo Badhan, waxaanu xusay inay dawladdu daba-geli doonto siday mashaariicdaasi u hirgalaan.

Wasiirka Caddaaladdu wuxuu sharaxaad kooban uu ka bixiyey goobaha ay mashaariicdaasi laga hirgalinaayo oo ay ka mid yihiin; degmooyinka  Laas qorey,Dhahar,Xiin-galool,Ceel-buh, Badhan iyo Yubbe, waxaanu intaas ku daray in mashaariicdaasi ay iskugu jireen horumarinta adeegyada bulshada.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso