Maamulka Gobolka Saaxil oo Shahaadooyin Guddoon Siiyey 100 Arday oo Dhammaystay Farsamada Gacanta

Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera ayaa ka qayb galay Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay in ka badan Boqol arday oo bartay Waxbarashadda Farsamadda Gacanta.

Boqol iyo Toban arday oo Sannadkii u danbeeyay ay hay’adda waddaniga ah ee Yufeenko baraysay farsamada gacanta ayaa bartay Xirfadaha Wastaadnimada, Biro laabka ,Cunto karinta iyo Hal abuurka Ganacsiga, Waxaana Munaasibada loo sameeyay ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda Waddaniga ah ee Yufeenko Maxamed Xasan Baqaf iyo Gudoomiyaha Dallada dhallinyaradda Somaliland ee Sonyo Cabdi-Casiis Siciid Saalax Waxayna ku dheeraadeen dufcadihii kala duwanaa ee hay’adani soo saartay oo wax ka taray sidii ay dhallinyaradu u yeelan lahaayeen xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil  Eng Axmed Ismaaciil Xasan Iyo Duqa Magaaladda Berbera  Cabdi shakuur Maxamud Cidin ayaa sheegay in Magaaladda Berbera ay u ooman tahay dhallinyaro aqoon u leh xirfadaha gacanta waxayna xuseen inay ayaan daro tahay in Wastaad iyo wixii la mid ah dibada la inooga keeno, Waxay Mas’uuliyiintani intaas ku dareen in Siyaasada Xukuumadu tahay Dhiirigelinta ardayda barata farsamada gacanta.

Machadka Yufeenko oo la furay Sannadkii 2015-kii ayaa soo saaray arday ay tiradoodu gaadhayso ilaa 700 oo ku shaqaysta xirfadaha kala duwan ee Gacanta.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso