Wasiirka Gaadiidka Iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee JSL Ayaa Oodweyne Ka Sheegay Qorshaha Xukuumadda Ee Dhismaha Wadada Burco Ilaa Oodweyne Ilaa Hargaysa

Wasiirka Gaadiidka Iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee JSL Ayaa Oodweyne Ka Sheegay Qorshaha Xukuumadda Ee Dhismaha Wadada Burco Ilaa Oodweyne Ilaa Hargaysa

“Wadadani waxa ay ahayd halbawlaha sadexaad ee qarankani leeyahay markaa waxaanu garanay…..” Wasiiirka Gaadiidka


Oodweyne (W.Gaadiidka) Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo uu wehelinayo guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland ayaa safar shaqo ku soo maray gobolka Daadmadheedh, iyada oo duleedka Ceelsame ee deegaanka Oodweyne ay ku soo dhaweeyeen maamulka gobolka, ka degmada iyo shacabka deegaankaasi.

Weftiga ayaa magaalada Oodweyne markii ay gaadheen waxa ay kulan xogwareysi ah kula qaateen bulshada magaalada, iyada oo munaasibada is xogwareysigana uu khudbado kala duwan laga soo jeediyey

Duqa magaalada Oodweyne Cabdixakiin Nuur Muuse oo halkaasi khudbad soo dhaweyn ah ka soo jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Bulshada gobolkan Daadmadheed waa Nabad waa barwaaqo waxaananu dareensanahay mudadii koobnayd ee uu joogay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland in mashaariico kala gedisan laga qabtay gobolka Daadmadheedh oo ay ka mid yihiin Ceelbiyeedyo, tiro MCH ah iyo mashruucii Beeraha oo noo dhamaystirmay iyo mashruucii wadada oo in badan naawilaynay oo maanta fadhigeedii iyo wasiirkeedii aanu sugayno”.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Wadadani waxa ay ahayd halbawlaha sadexaad ee qarankani leeyahay markaa waxaanu garanay maadaama oo Ceerigaabo sanadkan soo socda ay gabo gabo ku tahay taana uu bangiga horumarinta Afrika uu inaga damaanad qaaday wadadani inay noqoto wadada sadexaad ee la dhiso, waxaananu imika ku jirnaaa diyaar garawgii, waxaanan ugu bushaaraynayaa dadweynaha reer Oodweyne ama gobolada Daadmadheedh, Togdheer iyo Maroodijeex in wadadan sida ugu dhakhsaha badan leh loo bilaabi doono haddii ALLE ka dhigo”.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi) oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aniga iyo wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadku waxaanu qabanay Ceerigaabo ahmiyada u weyn ee aanu tagnayna waxa ay ahayd inaanu jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco wejigii labaad uu wasiirku furo oo qalab badan oo loo iibiyey ayaanu markaa soo eegaynay waxaananay noqotay inaanu idinkana idin soo marno sababta aanu idiin soo marnayna waxa ay ahayd sida wasiirku sheegay wadada koowaad ee ugu muhiimsan waxa ay ahayd Ceerigaabo iyo Burco wadada isku xidha, ta labaadna waxa ay ahayd Saylac iyo Boorama ta isku xidha tan Oodwyene iyo Burcona waa ta sadexaad, taa galbeedkana waxa ku balanqaaday inay dhisaan Baanka Horumarinta Afrika (Afrika Development Bank), markaa nasiib ayeynu yeelanay in aynu kaalinta labaad soo galno imika”.

Badhasaab ku xigeenka gobolka ahna ku simaha badhasaabka Daadmadheedh Maxamuud Axmed Cali (Juba) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Weftigan uu hoggaaminayo wasiirka horumarinta gaadiidka iyo wadooyinka Cadbilaahi Abokor Cismaan iyo guddoomiyaha bangiga dhexe waxaanu leenahay mar labaad ku soo dhawaada gobolka Daadmadheedh”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso